Sida ay ilo wareedgyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeed MOL waxaa fartiin culus uga timid MW Farmaajo wadamada beesha caalamka, iyago muujiyay sida ay uga walaacsan yihiin xaaladda siyaasadeed ee qarka u saaran in uu ku yimaado burbur xoog leh wixii la soo dhisayay tobankii sano ee ugu danbeysay.
MW Farmaajo aya loo sheegay in uu isaga masuuliyadeeda qaadan doono waxaana looga digay in uu joojiyo qaabka kalitalisnimo iyo ku xadgudubka shuruucda dalka. Beesha caalamka ayaa walaac ka muujiyay qaabka uu MW Farmaajo u maareynayo khilaafaadka siyaasadeed waxayna fartiintooda ku sheegeen in aanan marnaba la aqbali karin in uu marba koox kula dagaalo siyaasadda iyo geedi socodka.
MW Farmaajo aya lagu eedeeyay in uu ka danbeeyay dagaalka dabada dheeraaday ee kula jiro maamul goboleedyada, waxaa sdioo kale lagu eedeeyay faragelinta uu ku hayo doorashooyinka Koofur Galbeed iyo Puntaland, waxaana ay beesha caalamka uga digeen MW Farmaajo in aanay marnaba u dulqaadan doonin in uu sii wado qaabka kalitalisnimo waxayna kula talyeen in uu aqbalo go’aanka baarlabaanka faragelinna aanu ku sameyn hay’adda sharci dejinta.
Waxaa sidoo kale beesha caalamka ay walaac ka muujiyeen musuqa baahay ee ka jira hay’adaha dowladda gaar ahaan xukuumadda, waxayna sheegeen in aanay aqbali doonin go’aamada qalafsan ee la isku dayayo in lagu carqaladeeyo shaqooyinka xildhibaanada.
Beesha Caalamka ayaa maalmaha soo socda soo saari doona warsaxaafadeed ay ku muujinayaan sida ay wax u arkaan, waxayna sheegi doonaan in khilaaf walba uu ka bilowda xafiisyada MW Farmaajo iyo RW Kheyre.