Wadahallo Qarsoodi ah oo ka socda Nayrobi. Sabab?

Reading Time: 2 minutes

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay Nayroobi ka socdaan wadahallo qarsoodi ah oo u dhaxeeya dowaladaha Somaliya iyo Kenya, kuwaas oo ku aadan ariimaha badda iyo sidii heshiis hoose looga gaari lahaa. Fahad oo Qatar ka soo laabtay ayaa dardadrgeliyey howshan lamana oga waxa looga dan leeyahay oo aan ka ahayn in lagu fashiliyo dacwadda badda oo hadda guul ku dhow.

Waddamo dhowr ah oo ay booqashooyin ku soo kala bixisay wasiirka arrimaha dibada ee Kenya ayaa waxay xoog soo saareen in dowladda Somaliya ay wadahadal la gasho dalka Kenya, iyadoo madaxda hadda joogtaa loo ballanqaadayo dhaqaale iyo maamuus hadii dacwadda si loo fashiliyo ama xataa la dib dhigo.

MOL waxay arrinkaan badda u qaadatay masuuliyad qaran waxayna sii wadi doontaa ilaa ciribta ugu dambeysa inay ka wargeliso  shacbiga Somaliyeed wax kasta oo ku soo kordha arrinataan. Dhibaatada xogta dacwadda bada ayaa aad u kooban dhinaca dowladda Somaliya taas oo keeneysa cabsi aad u badan inay nagasho.

Cidkasta oo xusuusataa dowladdii Xasan Sheekh Galka dacwadda badda waxaa gacanta ku hayey MW Xasan Sheekh xafiiskiisa iyo kan xeer ilaaliyaha guud waxaana shacbiga lala socodsiinayey xog kasta oo aan wax u dhimeyn dacwadda, hasa yeeshee dowladdaan waxba lama wadaagto shacbiga. Waxaana dhinaca kale dalka Kenya ka soo baxaya warar dhiillo iyo cabsi ku sii abuura shacbiga Somaliyeed kana farxinaya shacbigooda, kadib marka ay Kenya guulo sheegato iyadoo dowladannada afka ka qabsato shacbigeeda waana nasiibdarro na haysataa oo waliba xal u baahan degdeg ah.

Horay waxaa nooga dhintay barlamankii oo aan wax qiimo ah maanta umadda ugu fadhin kadib markii ay gabeen xilkooda mushaar ay iska qaataan iyo ganacsigooda oo ay isaga jiraan maahee.

Haddaba MOL waxay ka codsaneysaa cidkastaa oo uu jiro Madaxweynihii hore ee muujiyey dareenka uu ka qabo arrintaan waa Xasan sheekh Maxamuud inuusan dhankiisa ka seexan oo uusan is dhigan, inkastoo ay tahay inuu Xasan sheekh ku ixtiraamo dowladdaan hadda jirtaa hawsha haddana mar ay xero iyofandhaal kala dhaceen waxba lagama gaaro. Sidaas darteed Xasan sheekh waxaa laga rabaa inuu wali ahaado shakhsi xaalka dacwadda uga warqaba xiriiradiisii iyo macaamilkii uu la lahaa madaxda dunida si qaddiyadan loogu sharraxo inay tahay qaddiyad ku weyn dareenka Somalida.

MOL waxay qabtaa inay wax yar noo dhiman yihiin oo dacwaddaan ay guul ku dhamaan doonto haddaii loo daayo maxkamadda iyo qareenadeenna gacanta ku haya oo aan la siyaasadeyn, dowladda Somaliyana ay dacwadda u dhaafto sida ay tahay. Waxaan rajeyneynaa inay timaado maalin aynu ku wada faraxno annaga iyo akhristayaasha dagaalka nagula jira ee sida joogtada ah noo soo bogaadiya howshaan.

Kuwa gadaal naga tooganaya ee shirarka qarsoon iyo ka daba wareegga arrintaan badda ku wada  waxaa iman doonta, In shaaAllahu, maalin aynu ku wiirsanno. Ogaada Farmajo, Kheyre, Fahad iyo Cabdisiciid Muuse ma jirto cid mid kale noo dhaantaa waxay dadaal ugu jiraan inay dacwadda ay fashilanto.