Wadahadal U Dhaxeyay Dowlada Iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir oo Fashil Ku Dhamaday & Bayaan ee Soo Saareen oo Baaq Logu Diray Kooxda Qiyano Qaran

Reading Time: 2 minutes

Ganacstada Gobolka Banaadir oo maalmahan ay taagneyd qilaaf ka dhex jiray iyaga iyo Wasaarada Maaliya oo canshuurta iibka ku kordhisay 5% aya Maanta Shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Muqdisho waxa ayna Daboolka ka qaadeyn in uu Fashimay Wada Xaajood Maalmahan u socdey Ganacstada Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka.

Ganacsatada Gobolka Banaadir oo ka careysana dhaca wasaarada ay la damacsaneyd aya kulan la qadatay Wasiirka kowad ee Xukumada Xasan Cali Kheyre si uu ugu dhaadhiciyo mashruucasi oo umuuqda mid ay heshiis ku yihiin isaga iyo Wasiir Beyle.

Balse waxa arintaasi sharci daro ku tilmaamay Golaha Shacabka oo shegay in sharci daro ay tahay canshuurtasi ay so rogtay Wasaarada Maaliyada.

“Wada Xaajoodkii u dhaxeeyey Ganacstada Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Maaliyada wax heshiiska oo ka soo baxay ma jiraan oo lagu Maareyn lahaa Cabashadii Ganacstada, waxayna wax ka socon waayeen Dhinaca Wasaarada Maaliyada” ayey Shirkaas Jaraaid ku sheegeen Ganacstada Gobolka Banaadir

Shirkaas Jaraaid ee Ganacstada waxay ka soo Saareen Qododbada soo socda

1.Waa Sharcidaro Canshuurta Sales Tax 5% oo ay soo rogtey Wasaarada Maaliyada in lagu qaado Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha

2.Ganacstada Gobolka Banaadir waa Canshuur Bixiyayaasha keliya ee Dowlada Dhexe Siiya Canshuurta

3.Ganacstada Gobolka Banaadir waa dad u taagan mar Waliba Dhismaha Wadooyinka, Nadaafada, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Adeegyada kale ee Bulshada

4.Waxaa ka codsaneynaa in arrinta Ganacstada Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Maaliyada ay soo fargeliyaan Madaxda ugu sareysa Dalka oo kala ah Madaxweynaha Dowlada Federaalka, Raiisul Wasaaraha iyo Guddiyada Baarlamaanka ee ku shaqada leh arrintaan.

Weli waxaa Taagan Khilaafka u dhaxeeya Ganacstada gabolka Banaadir iyo Wasaarada Maaliyada ee Dowl;ada Federaalka kaasoo ka dhashey Canshuurta ay ka carodeyn oo ah in Keligood lagu soo rogey iyadoo dalku uu Federaal yahay.