Wadaadka u xiran DFS ee Xasan Daahir oo Weerar culus ah kuqaaday Madaxdii hore

Reading Time: < 1 minute

Xasan Daahir Aweys oo haatan u xiran dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii maalin kahor ka soo yeeray Sheekh Shariif ee uu digniinta ugu diray dowladda Farmaajo iyo Kheyre.

Xasan Daahir Aweys oo soo duubay Muuqaalka ayaa waxaa uu weerar Afka uu ku qaaday Sheekh Shariif Sh Axmed oo ahaa Madaxweynihii hore dalka, isla markaana Xasan Daahir ay iskala tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamiga ee dalka soo maray.

Sidoo kale Xasan Daahir ayaa Shariif Axmed ku eedeeyay inuusan isaga cadowga iyo mooryaanta ka saarin dalka balse uu isaga si fudud ku helay xilka uuna mid cidlaa uga tagay dadkii shaqadaas qabtay.

” Siyaad Barre si fudud ayuu xilka ku helay si baasna waa uga tagay, waxaana sidaas oo kale la mid ah Shiikh Shariif  oo meel sahlan ka helay haddana meel cidlaa uga tagay, weliba Shiikh Shariif wuxuu Siyaad Barre uga duwanaa magaca Alle ayuu xilka ku qaatay, magaca Alle markaa ku qaadatayna meel cidlaa uga tagtay, haddii ay tahay mabda’ meel cidlaa uga tagtay, dadkiina meel cidlaa uga tagtay” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Isaga oo sii hadlaayay Xasan Daahir ayuu tilmaamay in Sheekh Shariif Sh Axmed uu yahay Nin dadka ku daneysto markii dantiisa uu gaarana meel cidlaha uga tago, isla markaana dad badan meel cidlo ah uga tegay.

Waxaa kaloo uu sheegay in Shariif uusan marna ka baqin in Bulshada Soomaaliyeed nacdon, isla markaana uu iska indha tiiro arrimhaas oo dhan.

Ugu dambeyntii Xasan Daahir Aweys oo haatan u xiran dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu Sheekh Shariif Sh Axmed uu ugu baaqay inuu Alle ka cabsado isla markaasna uu joojiyo dadka uu qiyaamayo, uuna iska dhaafo hadalada kulul uu ku hadlay