MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
105 days
23 hours
36 minutes
05 seconds
Reading Time: < 1 minute
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
105 days
23 hours
36 minutes
05 seconds

Xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada waxaa ka socda wada-tashiyadii ugu dambeeyey ee magacaabista golaha wasiirada cusub ee xukuumadda RW Maxamed Xuseen Rooble.

Wararka ayaa sheegaya in xalay markale ay kulan saddex geesood ah yeesheen madaxeweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana kulankaas looga hadlay dhismaha xukuumadda cusub ee federaalka Soomaaliya.

Ilo ku dhow kulankaasi oo saacado badan qaatay ayaa MOL u sheegay in uu ku soo dhammaaday is-afgarad, wuxuuna ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqi doono liiska golaha wasiirada oo la horgeyn doono golaha shacabka.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in wasiirada la soo magacaabi doono ay isugu jiraan qaar ka mid ah xukuumaddii ra’iisul wasaare Khayre iyo kuwa cusub.

Dad badan ayaa isha ku haya dhismaha golaha xukuumadda oo ay maalmo ku qaadatay Rooble oo codka kalsoonida horey uga helay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda federaalka ah ee uu hoggaaminayo, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso doorashada soo socota ee 2020/21.