Wabigga Shabeelle oo Fafahaad hor u geeystay Deegaano hoos tagga Degmada Balcad Ee Gobolka Sh/dhexe

Reading Time: < 1 minute

Degaanka farbarako oo ka tirsan Gobolka Sh/dhexe ayaa lagu soo waramayaa in Dadka Deegaanka ay Barakac sameenayaan iyagoo  baqdin ka Muujinayaan  fatahaada Wabiga Shabeelle uu sameynayo iyo Yaxaasyo Nool oo dhex soconaya Magaalada

Guddoomiyaha Deegaanka Farbarako ee Gobolka Sh/dhexe  Saadaam Saalax ayaa inoo xaqiijiyey in Dadka Degaanka ay Awoodin iney helaan Doomo ama Saanado kale oo ay uga baxaan Biyaha kasoo fatahaya Wabiga Shabeelle wuxuu sidoo kale inoo sheegay in ilaa iyo Hadda aysan jirin Masuul ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ama Dowladda Federaalka Soomaliya oo soo booqday Degaanka Farbarako ee Gobolka Sh/dhexe

Wuxuuna Carabka ku adkeeyay in ay Codsiyo badan ugudbiyeen Maamulka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka Soomaliya si ay Gargaar ula soogaaraan Deegaanada ay Fatahaadu saameysay

Sikastaba ha ahaatee Fatahaada uu sameynayo Wabiga Shabeelle ayaa waxa uu Galaaftay Nolosha Boqolaal Ruux iyo Hanti isugu jirta Xoolo iyo Guryaba

ugu dambeytii Guddoomiyaha Deegaanka Farbarako ee Gobolka Sh/dhexe  Saadaam Saalax ayaa Baaq u diray Maamulka HIrshabeelle Dowladda Federaalka Iyo Hay’addaha Gargaarka ka Codsaday iney garab siiyaan Bulshada ku Dhaqan Deegaanka Farbarako ee Gobolka Sh/dhexe si ay ugu baxaan Marxalada adag oo ay kusugan yihiin