Iyado dhawanahan biyo la’aan xoogani ay so foodsaartay dadku ku dhaqan Hiiraan iyo Shabeloyinka ka dib marki uu guray wabiga shabeele aya waxa wararku ay shegayyan in Wabiga Shabeelle uu biyo keenay.
Dadka ku nool gobalada uu wabiga maro ayaa maalmihii la soo dhaafay wajahayay OON daran kadib markii uu wabiga guray, waxaana meelaha qaar laga dhaxlay Cuduro iyo Barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.
Shacabka magaalada Beladwayne iyo Guud ahaan gobalka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay Biyaha Wabiga waxayna ku baaqayn in la maareeyo oo laga faa’iideesto Biyaha.
Maamulka Gobolka Hiiran ayaa ka digay in ay fatahaad ka dhalato Wabiga oo maalmihii dambe gursanaa.