Wabiga Jowhar oo laga baqayo in uu fataho

Iyada oo sanadkii la soo dhaafay ay dhibaato badan ka dhalatay fatahaada wabiga ayaa waxaa hadda ka jira magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda cabsi ah in wabiga fataho. Shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa haya hadalhaynta  Wabiga Shabelle iyo in uu   ku fataho xaafado ka tirsan magaalada, kaddib markii uu Wabigu aad u biyo keenay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa kor u soo kacay heerka wabiga kaas oo ay ka muuqatay  in uu si  aad ah u soo buux dhaafiya, waxaana dadka deegaanka ay muujinayeen walaac ku aadan in wabiga sameeyo fatahaad.

Waxaa ka jira xaafadaha  qaar cabsi ah in uu wabiga ku soo  fataho. Xaafadaha aad looga qabo in uu saaameyo ayaa  waxaa ka mid ah kuwo ku dhow Jiinka Wabiga, waxaana odayaasha iyo waxgaradka ay soo saareen baaq ku aadan in maamulka, ganacstada iyo shacabka gacan ka geystaan si loogu hortago fatahaada.

Ma muuqato dhaqdhaaq ay sameeynayaan maamulka degmada  Jowhar ee ku wajahan sidii looga hortagi laha faafida wabiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here