Waaxda difaaca Mareeykanka oo Soo Bandhigtay Tirada Al Shabaab ee 12-kii Bilood ee Laso Dhafay ay Dilen

Reading Time: < 1 minute

Cilmibaaristan oo socotay 12bilood ah ayaa waxaa la isbarbar dhigay kooxaha Bokoharam, Alshabaab iyo kooxaha kale ey ka dagaalama waqooyiga Qaaradan Afrika aya waxa maqaal ka qoray qortay xarunta istaatijiyadda daraasaadka ee mareeykanka ee qaaradda afrika.

Sida ey daabacday Waaxda difaaca Mareeykanka Salaasadii shalay aheed waxa ey tilmaameen in 12bilood ee ina dhaafay ey Alshabaab dileen 4,834 qof oo afrikaan ah dad ugunna bandanna waa soomaali iyo keenyaan.

Sidoo kale weerarada ey Alshabaab qaaday waxaa lagu sheegay in ey ku dhawyhiin 3,000 oo weerar kuwaa oo ka dhacay wadamada Kenya Iyo Somalia.

Weerarada Xarakada Alshabaab ayaa kordhay 38% markii loo barbar dhigo daraasadan tii ka horeeysay.

Sidoo kale waxayaabaha ey maqaalkan lagu xusay waxaa kamid ahaa weerarada dayaarada iswada ee mareeykanka in ey kordheen tan iyo markii la doortay madaxweeynaha sanad jirsaday ee mareeykanka Donald Trump.

Kororka dadka ey dileen Alshabaab waxaa cirka kusii shareeray weerarkii ka dhacay isgooska Zope oo dowladda soomaliya iyo hayadda warbixintan soo saartaba ey aamisanyihiin in Alshabaab ka danbeeyeen.