Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle weerar ka dhacay lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Shabeellahah Dhexe Marxuum Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay.
Guddoomiye ku xigeenka iyo Wiilkiisa ayaa u geeriyooday weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo lagu qaaday Gurigiisa uu ka deganaa Magaalada Jowhar,iyadoona ragii fuliyay falkaas goobta ay baxsadaeen.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil kauu dhalay,isagoona Alle uga baryay inuu Janada ka Waraabiyo.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa u qoraa:
Madaxweynaha Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare, oo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda iyo kan Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Sh.Dhexe marxuum Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo ugu geeriyooday Jowhar Bam gacmeed oo rag hubeysan ay ku weerareen Gurigiisa.
Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Hirshabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Guddoomiye ku xigeenka Amniga Sh.dhexe marxuum Muxumed Sugaal, waxaana eebe uu uga baryay in janatul fardowsa uu ku galado.
Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay In Marxuumka uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Hirshabeelle iyo shacabka islamarkaana uu hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah, iyo Xaqiijinta Amniga.
Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa faray hey’adaha Ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi ee lagu dilay marxuum Muxumed Sugaal sharcigana la soo taago ragii ka dambeeyay.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa guud ahaan Shacbiga Hirshabelle kula dar daarmay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan cadowga Umadda Soomaaliyeed islamarkaana Shacabka ay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaanka sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo ku soo dhex dhuumaneysa.