Waare oo isbadal ku sameeyay Galaha Wasiirada Hirshabelle

Reading Time: < 1 minute

Wareegto kaso baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii waxaa looga qaaday 5-wasiir oo ka mid ah wasiiradiisa, waxaana uu ismala markaana magacaabay Wasiiro cusub. Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware ayaa ku sheegay qoraalka uu soo saaray in ay lama huraan tahay in isbadal lagu sameeyo golaha wasiisa si loo dardar galiyo howlaha Hirshabelle.

Wasiirada xilalka uu ka qaaday Madaxweynaha mamaulka Hirshabeelle ayaa kala ah Wasirka Waxbarashada,Qorsheynta, Biyaha iyo Tamarta, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda dastuurka.

Ma aha markii u horeeysay ee uu Waare Xil ka qaadis sameeyo balse waxa uu  horay isabdal ugu sameeyay golahiisa wasiirada in ka badan sideed mar.

Halkaa Ka akhriso Wareegtada