Waare oo dagaal afka ku qaaday MW Guudlaawe! Magaca DFS miyu ku hadlay?

Reading Time: < 1 minute

Eragaga gaar ah ee uu Madaxweyne Xasan Shiikh dhawaan magacaabay Maxamed Cabdi Waare ayaa weerar dagaal oo afka  ah ku qaaday madaxda iyo hogaanka dowlad Goboleedka HirShabelle.

Waare oo ay ka muuqato caadifad ayaa  ku eedyay Madaxda Sare ee HirShabelle inay lacag ka qaateen  kooxada Al-shabaab si xilka looga qaado Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Madaama Waare uu yahay ergaga gaarka ee Madaxweyne Xasan Sheekh ee arimaha Xasalinta deeganada laga xoreeyay Al Shabaab,  dad badan ayaa isweydiinaya in hadalka ka soo yeeray Waare uu yahay mid uu la ogyahay madaxweyne Xasan Sheekh, hadii uusan la ogaynina waxa lama huraan ah in dowlada Federaalka ay raali galin ka bixiso hadalkaas ka soo yeeray Waare.

Hadalka ka soo yeeray Waare ayaa waxa uu keeni doonaa inuu hakad kaliyo da’daalada loogu jiro in lagu xasiliyo dalka, gaar ahaan deeganaada hoosyimaada Dowlad Goboleedka HirShabelle.

Waare ayaa qoraal u bartiisa twitterka ku qoray ku yiray “Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al Shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jeyte loo bedeli lahaa. Bedelka Guddoomiye Jeyte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne @GudlaweHussein iska daa Guddoomiye Jeyte”.

Waare ayaa ay ahayd in dareenka uu qabo uu si toos ah ugu sheego madaxda HirShabelle si ay uga wadahadlaan arinkaan, laakiin ma ahayn in hadal caadi ah oo uusan cadeyn karin uu caalamka la wadaago.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay, Maxamed Cabdi Waare  ayaa u olololeeynayo in Madaxweyne Dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe deg deg loo qaado xukunka  si Madaxweyne ka soo jeeda Hiiraan loogu wareejiyo hogaanka Hirshabeelle.