Waare iyo Lafta Gareen oo looga digay ka qaybgalka xuska Puntland

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa waxa uu martiqaad rasmi ah u fidayay madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada  Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Labada Mas’uul oo ay dhib ku tahay in ay ka baaqsadaan Xafaladda xuska aaas-aaska Puntland oo ku beeganayd bisha Agoost 1deeda ayaa u sheegay MW Deni in culaysyo kaga yimid dowlada Fedaraalka awgeed ayan ka soo qaybgali karin xaflada Garowe.

Dad ku dhaw Xasan Kheyre ayaa sheegay in Kheyre ku amray labada mas’uul ama dad ka wakiil ah maamuladooda ayan marnaba ka qaybgalin xuska  aas-aaska Puntland.

Waxaa waxa lala yaabo ah in labada mas’uul ay ogolaadaan hanjabaada kaga timid Xasan Kheyre isla markaana ka baaqasadaan tagitaanka Garowe. Xasan Kheyre ayaa waxa uu waqti badan galiyay sidii uu u sii kala fogayn lahaa shacabka Soomaaliyeed dhexdoodana uu ka abuuri lahaa qilaaf iyo nacayb.

Wasaarada Airmaha Gudaha Puntland oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsatay in ay ka hadlaan maqnaanshaha madaxda dowlada Goboleedyada.

Dhanka kale MW Axamed Madoobe oo horay u go’aansaday in uu ka qaybgalo xusnka munaasabada kowda Agoost ayaa waxa ku lagu furay qalaalaase siyaasadeed iyo mid amni taas oo keentay in uu ka baaqasado kulanka laakiin waxa uu u diray xaflad wafdi ka socda Jubbaland oo ku masala xafalada