Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa saaka degan, kaddib iska hor imaad kooban oo xalay fiidkii ka dhacday magaalada, taasoo qalqal ku abuurtay dadka deegaanka, iyadoo uu xalay magaalada ku hoyday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Sida wararku sheegayaan Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan degdeg ah la qaatay Laamaha ammaanka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, isagoo kala hadlay shaqaaqadii dhacday iyo sida ay ku timid.
Wararka ayaa sheegaya in Guddi baaritaan ku sameeya shaqaaqadaas loo saaray, waxaana la filayaa in Guddiga isla maanta guda galaan howsha baaritaanka, isla markaana ay tagaan goobta uu iska hor imaadka ka dhacay ee aheyd xarunta INJI.
Is rasaaseyntii xalay dhacday ayaa waxaa ku dhaawacmay labo askari iyo qof shacab ah, kuwaasoo la dhigay goobaha caafimaadka magaalada.
Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusuna ayaa sheegay in la soo weeraray xarun ay degenaayeen Mas’uuliyiintooda, iyagoo ku doodaya in ujeedka weerarkaas uu ahaa in la waxyeeleeyo xubnaha 20-ka Xildhibaan ee Ahlusuna.
Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ay ku howlan yihiin dhameystirka dhismaha maamulka Galmudug, iyadoo ay dhamaatay mudadii loo cayimay in lagu soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.