Waa Sidee Xaalada Deegaanka Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland Ay Isku Hor Fadhiyaan

Reading Time: < 1 minute

Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saakay xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi ay tahay mid dagan.

Wararka ayaa sheegaya in xaalad deganaansho ah oo aan cago badan ku taagneyn laga dareemayo gudaha deegaankaasi.

Welina waxaa halkaasi isku hor fadhiya Ciidamo kala taabacsan maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Dhinaca kale Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay madaxda maamullada S/land iyo Puntland in wax weliba ay ku dhameeyaan wada hadal.

Xiisada Tukaraq aya maalmahan kacsaneed iyado Maamulada Somalilnd iyo Puntland ay isku hor fadhiyeen Degankaasi waxana halkaasi ka dhacay Dagaal Qaraar oo Hubka Culus ay isku adegsadeen,