Waa sidee maanta xaalada magaalada Guriceel?

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degaanka Guriceel, waxaa maanta ay u muuqataa xaaladu muid degan.  Magaalada Guriceel oo shalay uu ka dhacay dagaal aad u qaraar oo dhex maray Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Galmudug oo dhinac ah iyi Xoogagga Ahlu-sunna.

Wararka ayaa intaas ku darya  in xaaladda guud ay tahay mid deggan, waxaana sidoo akle lagu soo warramayaa in Ciidanku ay ku kala sugan yihiin goobihii shalay gabbalku ugu dhacay. Dadka degaanka oo aynu saaka la hadalnay ayaa soo sheegaya in aysan jirin wax dagaal ah oo socda, balse waxaa la filan karaa mar waliba in halkaasi uu dagaal ka qarxo mar kale maaddaama labada dhinac ay I hor fadhiyaan.

Seddexdii maalmood ee aynu soo dhaafnay waxaa degmada ka socday dagaal xooggan oo khasaro badan dhaliyay, kaasi oo labada dhinacba ay Askar farabadani kaga dhinteen, sidoo kale waxaa ku barakacay dagaalka kumannaan shacab ah oo ku noolaa magaalada, iyadoo haatan laga soo dayrinayo xaaladda nololeed ee dadkaasi barakacay.

Dhanka kale, labada ciidan ayaa is horfadhiya iyada oo ay macquul tahay in dagaalka uu maanta markale dib uga qarxo magalaadaas.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!