Waa Side Xaalada Wadada Xiriirisa Jowhar Iyo Balcad?

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiim oo ka tirsan xildhibaannada maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in wadada xiriirisaya Jowhar iyo Balcad ay ka taagantahay xaalad ammi darro.

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiim Warsame ayaa u sababeeyay amni darrada ka jirta wadada in ay tahay in safarka Xildhibaannada ee Muqdisho iyo Jowhar ay u isticmaali jireen dhulka balse hadda ay isticmaalaan diyaarad sidaas dardeedna loo dayacay amniga wadada.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in amni darada ka jirta deegaannada maamulka Hirshabelle ay kula xisaabtami doonaan madaxda maamulkaasi.

Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo aadaya xilli shalay wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo ku soo jeeday degamada Balcad ee gobolka Sh/ dhexe.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!