In muddo ah ayaan waxay MOL ka digeysay inuu Farmaajo yahay musiibo qaranka ku dhacday oo waxa uu dalka bado ay ka darnaan doonaan waxa uu baro. Waxaad manta maqleysaa dad uu lacago ku bixiyey oo leh waa in la is qarxiyaa, waa in dalka la gubaa, waa in Odawaa uu inqilab sameeyo.
Runtii waa arrin la yaab ku noqoneyso qof waliba oo dhageysata goobaha ay ku kulmaan qaran dumiskaas cayayaanka baraha bulshada (CBB). Waxaan dhegaheenna ku maqallay Kuwa leh xubinta taranka ayaan iska jarayaa, kuwa leh xaaskeyga waa iga furan tahay, kuwa leh waa is qarxinayaa oo markii isaga uu doorashada ku guuleystay maxay dadkii laga guuleystay sidaas u oran waayeen? Sababtoo waa dad dimoqraadiyadda iyo xukunka oo doorasho lagula kala wareegaa uu aminsiiyey hogaamiyayahooda Xasan sheekh dabadeedna gacanta inta qabtay tusay cidda dalka hogaamiye ka ah, laakiin Farmajo waxaa uu aaminsiiyey CBB in xukunka mar haddii la soo fuulo aan laga dagin ilaa xoog lagaaga qaado mooyee sidii Kalitaliyihiin Maxamed Siyaad ahn.
Waxaa la yaab nagu noqotay marka Deni iyo Axmed Madoobe laga dhigay inay Farmajo walaalo la yihiin oo ay dhabarka ka toogteen, laakiin Xasan sheekh aysan la ahayn walaalo? Waa yaabe intee laga cabiray maxaasa loo daliishaday? Labadooda Farmajo lama dhalan si fiicanna ulama dhaqmin, walaalnimada hadda iyaga ku waajibka ah miyeysan shalay isaga waajib ku ahayn? Markii uu lahaa Deni waa in Jebiye lagu badalaa ama ina Dayano, Axmed Madoobe-na uu Amxaarada u soo adeegsanayey si ay u dilaan oo rabbi ka badbaadiyey walaalaha maanta la sheegayaa ma ahayn miyaa?
Tani waxay caddeyneysaa inay adag tahay in xukun lagu aamini karo dadka qaar oo qaba inaan xukunka lagaga guuleysan Karin, Maxamed Siyaad iyo Farmajo wa isku beel waana su’aal furan in kalatalisnimdu ay reerkaas isir u leyihiin iyo inkale?.
21 sano oo burbur dhinac kasta iyo dhaawicii midnmada gaaray ayaa hadda waxaa uu nagu hayaa xanuun aan bogsan la’anahay markaas ayaa haddana si dhuumaaleysi ah waxaa nagu soo galay Farmajo oo sid dhib leh balse dhaawacyo badan wadataa looga wareejiyey talada maanta iyadoon dhiig ku daadan.
Dalkaan uma noqon karo afgambi Milateri, xukun kalitalis, awood lagu kala adkaado iyo nin muddo dheer halkaan soo fadhiya. Somaliya wey socotay ee CBB dadkooda dhinac haka raaceen oo sabar ha yeeshee, dalkaan waa naga badan yahay haddii aan ku heshiinnee. Ha u dhimanina ruux dantiisa wata oo been cad cad oo aad ogaan kartaan maalin walba idiin sheega, lacagna idin ku siiyo inaad qeyb ka noqotaan inaad aayaha dalkaaga wax u geysato.
Haddiise aad sii waddaan waxaa suuragal inaad khater noloshiisa gelisaan oo ay timaado in naceybka hadda loo qabo mid ka weyn loo qaado.
Hadda waxaa loo ogolaaday inuu si nabad ah ku dego Xamar laakiin waxaa uu u carari doonaa dibabbda iyo Erateriya, waayo Gedo waxaa Khasab ah in la xalliyo mushkiladeeda Madaxdweyne Xasan sheekhna ma seexan karo ilaa tuulo dalka ka mid ah ay dhibaato wax laga qaban ka jirto, Farmajana wuxuu isku sii dayi doonaa inuu khatarro kale sii abuuro taas oo u yeelan karta cawaaqib xun isaga iyo dalka.