Waxaa jirt oraah oraneysa Haddii aad beenlow tahay xusuus dheer lahaaw.Oraahdani waxay u digeysaa in dadka beenalayaasha inay illoobaan wixii ay horay u shegeen, waana waxa ay ku sifoobeen MW Farmajo iyo RW Xasan Kheyre. Waxaan arkayey in la leeyahay waxaa uu Kheyre isu diyaarinayaa inuusan Farmajo ku wareejiyo wixii khalad ah ee dawladdiisu gashay, kadibna uu isu soo taago doorashada 2020.
Runtii waa dareen culeys haddii shakhsi Kheyre oo kale uu wali damac ku jiro islam markaana aan garan dhaawaca uu dalka u geystay.
Haddba akhristow inyar kheyre ii noqo aan kugu hal qabsadee.
Kheyroow xusuuso kaalinta aad ku lahayd SOMA OIL and GAS oo buddhig u ahayd soo shaac bixidda magacaaga iyo dhaca hantida ummada.
Haddaba eedeynta aad dawladdii kaa horreysay ujeedis waxaad ka illowday inaad ku darted qodobadaan:
- In adigoo aan dawlad u shaqeyn basaaboor diplomatic lagu siiyey.
- In adigoo warrant caalami ah loogu gooyey lagaa badbaadiyey.
- In adigoo ku faani jirtay dawladdii Cumar Cabdurashiid Inaad dhismaheeda kaalin Weyne ku lahayd, adigoo og inay beentaa ahayd.
- In adigoon aqoonteeda lahayn lagu magacaabo jagadii Xighayaha Maamulka IGAD.
Inkastoo erayga uu gef ku yahay haweenka haddana ma umulbaa tahay kheyrow Illowsha dhwidaa?
Waxaan rabaa inaan kheyrow kugula lugeeyo soyaalka taariikhda dhow ee dalka oo adiga iyo kuwa badan ay marqaati nool ka yihiin. Kheyre waxaa si aan ka fiirsi lahayn kuu magacaabay Farmajo oo aan kala aqoon jiha uu u socdo iyo mid uu ka yimid.
Haddaba waxaa hogaanka qabatay iyadoo hay’adaha maalgelinta dalka ku soo noqdeen oo ay meel fiican marayaan. Sannadakii 2012 oo ay talada la wareegtay dawladda aad u duur xuleysid Cashuuraha dalka laga qaaadi jiray waxay ahaayeen 35 malyan, hasa yeshee markii ay dawladdaas Meesha ka tageysay waxay ahayd 114 sannadkii 2016 , yadoo sanadba sannadka ka dambeeya sii kordheysay muddadii 2013-2016, waxayna mar waliba dawalddaas dareen naxariiseed u lahayd in dadka Muqdisho aysan hal mar wada qaadi Karin kororsiimo degdeg ah oo canshuuraha oo ay kaligood bixiyaan.
Haddii taariikhda laga run sheegayo wuxuu dalka waddo cad lugta saaray 2013 markii lagu guuleystay in dalka ay ku soo noqdaan Sanduuqa Lacagta Adduunyada (IMF), Bangiga adduunka (World Bank) iyo dhammaan hayadaha kale ee caalamiga. Waqtigaas oo ah waqtigii Soomaliya dib loogu oggolaaday inay dib uga mid noqoto kooxda loo yaqaanno EU/ACP ee heshiiskii Cotonou.
Haddii aysan xusuustaada ku khiyaanin Kheyrow dalka wuxuu dib ugu soo noqday addunyada :
- Markii Brussels loogu yaboohay $2.3 bilyan.
- Markii dawladda Turkish lala saxeexday heshiisyadii dhismaha iyo tababarka ciidaamada.
- Dalka waxaa timid oo si khalad ah laguuu magacaabay adigoon waligaa dawlad u shaqeyn iyadoo barnaamijka IMF ee dib u habbeynta Maaliyadda ee aad ku faaneysoee SMP wejigii kowaad uu ku dhammaaday guul, kii labaadna uu meel fiican marayo, kuna socda qaab wanaagsan.
- Waxaa timid kheyroow iyadoo Bangiga horumarinta Afrikaankauu bilaabay waxaa loo yaqanno daahfurka bixinta deymaha oo uu u qoondeeyey $80 milyan balse shuruudo yar yar oo HIPC program ku xiran ay dhinaayeen, waxaasa nasiib xumo ah weli inuusan dalka ka faa’iideysan oo wali ay taagan tahay.
- Sidoo kale iyadoo dabaacadda lacagta Shilin Somaliga ay dhammaatay, laguna heshiiyey balse dawladda ay ka fekareysay inuusan khilaaf iyo sicir barar ka iman ayaa waxay wada tashi is qadarin leh lala waday maamul goboleedka iyo ganacsatada balse doorashadii dalka Mugdiga gelisay ay soo dhexgeshay,halkaasna uu ka dhashay hoogga iyo halaagga maanta taagan ee hoggaan-wareegga ah
- Waxaa u timid iyadoo mideynta cashuuraha iyo lacagta magaca dawladda nidaamkeedii la dhameystiray welina Qaar ay bilabeen inay khasanadda dawladda lagu shubo oo laamihii bangiga laga furay dekadda Xamar.
- Markii ay intaan dhacayeen adiga ma hayn hoggaanka toosan ee dalka.
Waxaa sheegtay in Madaxweynihii iyo PMkii hore ay lacagata jeebka ku shuban jireen Waxaad ilowday inuu tuhunkaas uu maanta labajibaaran yahay oo ay jiraan malaayiin dollar oo adiga, Madaxweynaha, iyo ninka idin leh ee Fahad Yasiin ay ku maqan tahay maalinna laguugu maxkamadeyn doono.
Waxaad illowday inay edeyn calami ah ay kaa taallo, tahayna aabaha musuqmaasuqa iyo beenta. Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan aqoonyahanaada waa ku ogyihiin.
Dhinaca maamulka , ammaanka iyo guud ahaan dhaqaalaha waxkasta hoos ayey u sii dhacayeen inta aad joogtay. Tusaale bal fiiri dhammaan warbixinnada la xiriira dhaqaalaha, amaanka iyo hogaaminta. Markii aad imaneysay kororka dhaqaalaha dalka waxa uu ahaa 4.2 boqolkiiba maanta oo uu weli hoos u sii socdo waa 2.3 boqolkiiba. Marka waa su’aale sannad dambe oo aad sii jootid waxaa uu tagayaa 1.0 boqolkiib marka la eego siday wax u socdaaan.
Ma ogtahay in dal horumarkiis lagu qiyaaso kororka dhaqaalaha, haddaba sannadkii 2016/2017 World Bank waxay caddeeyeen in kororkii uu badalay hoos u dhacay, marka waxaa yaab leh halka aad ka keentay guusha aad shgeysid. Bal la raaadso qof kuu akhriya shaxda warbixinnada ee (facts iyo figures) ka muuqda qoraallada IMF iyo World Bank misa waxaad aaminsan tahay inay igu sawir iyo been hadoodilan ay shaqeyneyso.
Ugu dambeyntii qodobkaan waxaan wada ognahay in soomaaliya dawlad dhisid ku jirto. Dawlaad Dhisidaas waxaad ku cabirataa sida guri la dhisayo. Haddaba is weydii Kheyrow haddii aad hawsha la wareegtay iyadoo guriga uu dabaqii shanaad marayo, lagaana sugayo inaad halkaa ka sii waddo ayaad waxaa laba sono kaaga luntay badalka rinjiga guriga walina maadan helin rinjigii la rabay.
Haddaba maxaa lagaa dhaxlay oo aan ka hayn burbur dhaqaale, ammaanka oo eber ah oo maalintiina ay ciidamada dawladda meelaha lagu arko habeenkiina ay magaalada muqdisho ay gacanta ku hayaan shabaab. Maamulladii gobollada uu ku dayriyey iyo bulshada caalamka oo quus ka joogta maamulkaaga. Kheyre dadnimo yeelo oo is casil inta aan lagu casilin waa gobanimee.
waxaad timid iyadoo dalka loo dhammeystiray dawladdiihii maamul goboleedyadii uu Distuurka caddeeyey, waxaadsa dagaal aan kala go’o lahayn ugu jirtaa ilaal maanta sidii aad u burburin lahayd, iyadoo maanta ay mareyso inay albaabada kaa ooteen si ay isaga moosaan mushkiladaada iyo inaad burburisid.
Wasiir Beyle aan kaa dhicin dhinaca dhaca hantida ummadda iyo buufinta beenta ayaa bishii April wuxuu inio sheegay in lacagta cashuurta ay record gartay ilaa 42 malyan seddrxdiii bilood ee ugu horreysay sannadkan, waxaana xogtu ay sheegeysaa in numberkaas uu ahaa mid laga been sheegay oo aad amartay in la buunbuuniyo, waxaana tusaale u ah aaway rubucii labaad iyo kii seddeaad ee sannadka mis beentii ayaa soo wareegtay oo balaayo ayaa idinka raacday.
Dib u fiirso daakhliga canshuuraha waxaa uu joogto ku ahaa kororsiimo muddadii 4ta sano ahayd ee dawladdii kaa horreysay.
La dagaallanka Musuqmaasuqa
Si aan loola socon hawl beenaadda la dagaallanka Musuqmaasuqa aad halhayska ka dhigatay Waxaad baabi’isay Habkii Lagula dagaali laha mysusuqa ee barnaamijkii Open Government Initiatives oo ay sanaadkii 2016 daahfurtay dawladdii HSM. Kaasoo ujeedadiisa ahayd in hay’ad waliba lala socdo waxqabadkeeda iyadoo si toos ah shacabka wax ka weydiin Karan hawlaheeda waxaa la sameeyey Khasab ayey ku ahayd in hay’ad waliba ay hawsheeda online ka dhigto soona geliso www.ogi.gov.so. Hasa yeeshee dawladdaada waa tirtirtay oo gacanta midig waxay bidixda qabaneysao ama qabatay ma oga waana nooc ka mid ah tuuganimda caalamiga ah.
Haddaba hadda xaggey Somaliya joogtaa?
- Soomaaliya waa dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka, waxay leedahay dowlad dhexe, laakiin dhab ahaantii, waxaa hoggaanka uu ku maamulaa qaab ku saleysan eex iyo qabyaalad.
- Soomaaliya sidoo kale waa dalka ugu xasillooni daran adduunka maalin walba waxaa lagu dilaa 2-5 qof.
- Somaliya Si loo helo shaqo iyo nolol maalmeed ayaa ah mid aad u adag sababta oo ah dadka intiisa badani waxay noloshooda ku xiran tahay ama ay ka soo saartaan muruqooda, laakiin waxaad ka goysay dhaqdhaaaqii oo jid walba ayaad dhigtay koox baadda, markey baadda ka waayaanna dila.
Isku soo xoori Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa ka dhammaaday dulqaadka, waana markii ugu horreeysay oo shacabka muujiyaan dareenkooda sida ay u dhaliishan yihiin dowladda uu hoggaamiya Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre, waxaana markii ugu horreeysay magaaalada Muqdisho ka dhacay dibad baxyo looga soo horjeedo hoggaanka dalka, iyagoo isticmaalaya hal ku dhigyo ay ka mid yihiin “Ha dhaco Madaxweynaha iyo Ra’isula Wasaaraha” Waxay ku fashilmeen hoggaanka, waxay caadeysteen boob hanti qaran iyo in ay dalka ku maamulaan qabyaalad iyo sad bursi”.
Akhriste adigoo aad u mahadsan iga raalli noqo intii aan Kheyre kugu matalay, beenlow faanjecel oo aan afkiisa iyo dhegahiisa is maqal. Marka la isku soo xooriyo MOL waxay R/W Kheyre weydiineysaa hal mashruuc oo cusub ay dawladdiisu dalka keentay, iyadoo aan ognahay in 24 mashruuc oo socda ay u timid . Xataa waxaan dhowr jeer ka maqaalay dawladda oo ku qaraabaneyso jidadka Xamar-Afgooye iyo Xamar – Jowhar, laakiin waxaan haynaa caddeymo ah inay kaa horreeyeen oo aad xataa bilaabi la’dahay. Haddaba Jamal, Fahad, Kheyre iyo Farmajo oo ay kaabayaan Hantidhowrka guud, Xeer Ilaaliyaha guud, iyo wasiirka Maaliyadda waxay dalkaan ku wadaan bohol aan laga soo celin, barlamaankiina waxaa uu ku mashquul xeer hoosaad iyo sidii awoodda looga qaadi lahaa. Dal ba’ayow yaa ku leh.