Waa maxay xiriirka dhaqaale ee ka dhaxeeya Al Shabab & ganacsatada / hay’adaha –NGO? (Xog Xasaasi)

Reading Time: 4 minutes

Qaar ka mida ganacsatada ganacsiga waa weyn ku leh magalaada Muqdisho oo dhawaan la fariisatay labo wariye oo ka tiran MOL ayaa uga warbixiyay habdhaqan (protocol) ay u wada shaqeeystaan Al Shabaab iyo ganacsatada reer Muqdisho.

Elmi D. oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ayan marnaba raali ka ahaynin in ay lacag baad ah siiyaan ururka  argagaxisada Al Shabaab laakiin  dantu ku ku kaliftay in ay la dhaqamaan Al Shabaab. Cilmi D. oo naga codsaday in aan magaciisa runta ah  la sheegin ayaa sheegay in ganacsi kastaa, ha yaraado ama ha weynaado ee ka jiraa magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda uu lacag joogta ah siiyo ururka Al Shabaab.

Habada waa qaabkee sida Al Shabaab ula dhaqanto ganacsatada iyo hay’adaha ka howlgala magaalada Muqadisho.

  1. Inta aan kooxda Al Shabaab qaadin talaabo dhib u keeni karta ganacsata ay doonayaan in ay ks qaataan dhaqaalaha waxa ay xiriiir la soo sameeyaan ganacsatada xiriirkaas  ayaa marka hore ku bilaawda qadka teleefanka iyo fartiimaha lagu soo qoro taleefanka  marka danbe isku badalo kulan waji-ka-waji la isku arko.
  2. Inta badan gacansatada waxaa looga yeeraa in ay tagaan deeganada ay Al Shabab ka taliyaan. Qofka Al Shabaab u yeerto ama lagu amro in uu iska soo xaadiriyo deegaankaas waxaa la siiyaa labo siyaabood ee ku tagi karo degaanka looga yeeray 1) in  qofka loo yeeray uu isagu tago meel ku dhaw degaanka looga  yeeray ka dibna gaari lagu qaado, fursadaaan waxa inta badan la siiyaan ganacsata yar yar ee aan awoodin in ay gawaari gaar ah kiraystaan 2) Si ay ugu fududaato ganacasata loo yeeray in ay isa soo xaadiriso, waxaa lagu amraa in ay soo raacaan gaari qaasa (Rental Car) oo ay leedahay Al Shabaab, gaarigaas ayaa waxa looga kirayaa maalintii $70-$150 doolar iyada  qiimaha gaariga  ku xiran yahay nooca gaariga iyo muhiimada uu leeyahay shaqsiga loo yeeray.
  3. Qofka loo yeeray ayaa waxa uu sheeganayaa meesha laga soo qaadayo  ee ku taalo magalaada Muqadishu,  sidoo kale waxa uu sheganayaa saacada uu diyaarka yahay in la soo qaado
  4. Gawaarida Al Shabaab ayaa soo qadayo shaqsiga ama shaqsiyaadka loo yeeray iyaga oo soo dhexmaraya isbaarooyinka ay joogaan ciidanka dowlada
  5. Gaawiirada Al Shabaab ayaa waxa ay haystaan calaamado gaar ah oo u suuragalinaya in aan lagu joojin dhamaan isbaarooyinka doowlada, mararka qaar iyaga ayaa laga hormariyaa dadka hacabka ee ugu jira safka dheer  si  ay u dhaafaan isbaarada dowlada
  6. Qofka loo yeerayo inta aan la soo qaadin ayaa waxa la waydiiyaa nooca cunada uu jecel yahay in uu cuno, hadii uu yahay qof qabo cudurka sonkor macaanta waxa loo diyaariyaa raashin aan sonkor lahaynin halka dadka qabo cudurka dhiig-karka loo diyaariyo cuno ama daawooyin ka caawinaya in uu dhiiga ku kicin.
  7. Qofka loo yeero in uu yimaado degaanka Al Shabaab ayaa waxa la dajiyaa hoteelo ay Al Shabaab leedahay oo habeenkii lacag lagu jiifsado, qiimaha lacagta Hotelka waxa ay ku xiran tahay nooca jiifka aad doonayso, inta badan qiimaha hotelka habeenkii waxa uu u dhaxeeyaa $5-15 doolar.
  8. Marka ganacsatada loo yeeray timaado ayaa waxa fursad loo siiyaa in ay si faahfaahsan u sheegaan nooca ganacsi ay ku jiraan iyo qiimaha ganacsigooda  si loo go’aamiyo lacagaha laga rabo in ay bixiyaan bishii iyo sanadkii. Inta badan kooxda Al Shabaab  horay ayay u soo qiimaysay qiimaha uu ku fadhiyo ganaciga laakiin waxa loo waydiinaa ganacsadaha in la ogaato in uu ganacsadaha run  ka sheegayo ganacsigiisa iyo in kale.
  9. Al Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay kulamo wacyi galin ah u qabtaan madaxda ganacsiyada waawayn ee ka jira magalaada Muqdisho. Marka loo yeero ganacsatadaas oo inta badan ku yimaado koox ahaan ama groups  waxaa loo qalaa xoolo isla markaana waxaa loo diyaariyaa  raashin aad looga soo shaqeeyay oo lagu qadanarinayo ayaga. Hadii degaanka looga yeeray ay xiligas  hawo kulayl ah  ka jirto waxaa loo diyaariyaa marwaxado, xataa mararka qaar waxa la tixgaliyaa nooca cunada ay jecelyihiin in ay cunaan. Qaar ka mida ganacsatadaas ayaa codsado in loo diyaariyo kaluun kali ah madaama ay qabaan cudurka loo yaqaano Kalostaro

Al Shabaab ayaa waayahan danbe waxa ay bilaabeen in dad ay ayagu soo tababareen ay u diiraan hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala Magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu soo siyaarto xafiisyadooda shaqo iyada oo loo geeynayo waraaqo ka soo baxay waadiga Al Shabaab ee Gobolka Banaadir taas oo loogu farayo fulint awaamiirta AL Shbaab ee ka soo bxay madaxda sare ee Al Shabaab.

Ma aha kaliya in Al Shabaab ay lacag ka qaadaan dadka shacabka oo kaliya waxaa sidoo kale lacag joogta ah bixaya qaar ka mida golaha wasiirada oo ganacsi u ku leh magalaada Muqadioshu ama guryo ka dhisto magalaada Muqadishu.

Ganacsadai Cilmi D. ayaa u sheegay MOL in uu indhihiisa uu  ku arkay lacago lagu qoray wasiiro iyo Xildhibanao ka tirsan Dowlada Fedaraalka kuwaas  oo si joogta ah u siiya ururka Al Shabaab iyaga oo ku badbaadinaya ganacsigooda iyo noloshooda. Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa lacagtaas ku bixaya magacooda iyaga oo mariya  qaar ka mida koontoonyinka Al Shabaab ku leedahay Xawaaladaha halka qaar kale ay lacag cadaan ah u diraan Al Shabaab.

Ganacsatada la hadashay MOL ayaa wax ay sheegeen in sida kaliya oo ay kaga ganacsan karaan magaalada Muqdisho ay tahay in ay lacag lagu sheego Zako ay xoog ku siiyaan Al Shabaab, hadii ay diidaan bixinta lacagtaas Al Shabaab waxa ay dilaysaa cidkastaa ee ku lug leh ganacsigaas.

Hoteelada waawayn ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa lacaga siiya ururuka Argagaxisada Al  Shabaab. Mid ka mida milkiilaha hoteelada Muqdisho ku yaala ayaa u sheegay MOL in uu dhowr sano ka hor ka dhaga adeegay in uu bixiyo lacagta Zakada.  Waxa uu yiri “labo digniin ayaa la i siiyay dhagaha ayaan ka furaystay, maaliintii danbe ayaa la soo weeraray hoteelkeyga dadna lagu dilay, burbur gaaraya $120,000 la ii gaystay, markaa wixii ka danbeeya waan bixiyaa lacagta aniga oo raali ku ah”.

Hoteelada lacagaha laga qaado ayaa waxaa jiifsada  marti, wasiiro, xildhibaano ka socda dowlada Fedaraalka. Waxaa wax laga naxo ah in dowlada Fedaraalka laftigeeda ay qayb ka mida canshuurta laga soo qaado dadka masaakiinta  ee reer Muqdisho ay siiso kooxda Al Shabaab iyada oo u  marinaysa Hoteelada.

Madaama dalka ayan ka jirin dowlad difaaci karta shacabka iyo ganacsata, AL Shabaab  waxaa ay dhaqaalaha ay ku argagaxiso shacabka Soomaaliyeed laga qaadayaa dowladii loo igmaday in ay difaacdo dalka iyo dadka.  Waxaan shaki ku jirin in saamaynta Al Shabaab ku leeyahay dalka Soomaaliya ay sii jiri doonta inta laga helaayo dowlada daacad ah, nadiif ka ah saamaynta AL Shabaab.