Waa maxay wajiga 4aad ee qorshaha Fahad, Guudlaawe & Dabageed ee xildhibaanada Xawaadle iyo Gaaljecel?

Reading Time: 2 minutes

Fahad Yaasin iyo hogaanka Hirshabeelle ee uu isagu malgashaday ayaa waxa ay doonayaan inay dhawaan taabagaliyaan qorshihii Afaraad ee doorashada Hirshabeelle.

Qorshaha Koowaad:

Qorsha kowaad ayaa ahaa in degaanka hoos yimaada Baladweyne laga abuuro khal-khal amni daro taas oo ujeedadeedu ahayd in shacabka reer Hiraan, gaar ahaan beesha Xawaadle la iska horkeeno. Iska hor-imaadka ka dibna dhaqaale lagu kala iibsado qeybaha kala duwan ee iska soo horjeedo.

Kornayl Xuud ayaa lagu soo qanciyay inuu ka soo baxo Baladweyne lacagna uu qaato, halka wiilashii kale ee uu isaga hogaanka u hayay loo sheegay in ninkii hormuudka u ahaa uu lacag qaatay iyagana ay meel cidla ah looga tagay.  Wiilasha oo ay la socdaan odoyaashoodii ayaa iyagana jeebka lacag loogu shubay. Halkaas ayuuna ku soo dhamaaday khilaafkii amni daro.

Ka dib markii labadaa arimood xal ay u heleen, Fahad iyo Farmaajo ayaa waxaa ay keeneen magaalada Baladweyne Cali Guudlaawe, waxaana loogu soo dhaweeyay si fiican oo muujinaysa in laga adkaaday kooxdii hogaanka u hayay kacdoonka Baladweyne.

Qorshada Labaad:

Qorshaha labaad aayaa ahaa in gabi ahaanba dib loo dhigo doorashada xidlhibaanada beelaha Xawaadle iyo kuwa Gaaljecel si ayan hadii la dooro ayan iyagu caqabad ugu noqon imaanshada iyo doorashada Fahad Yasin.

Shaqsi kastaa oo rajo ka qaba in  xildhibaan laga soo dhigo kana soo jeedo beelaha Xawaadle iyo Gaaljacel, waxa uu ku qasban yahay in uusan ka hadlin kufsiga loo keygsanayo  beesha uu ka dhashay, Ilaa iyo hada ma jiro qof ka hadlay kufsiga siyaasadeed ee loo geystay labadaa beelood iyo beelaha kale ee ku dhaqan Hiiraan.

Tani waxa ay keentay in Fahad Yasin uu si fudud uu ugu hirgalo  qorshaha sadaxaad ee ay dajisteen  isaga iyo Farmaajo.

Qorshaha Sadaxaad

Qorshaha sadaxaad ayaa ahaa in Fahad Yasin oo aan casbi ka qabin abaabul kaga yimaada siyaasiyiinta beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel oo xaqiiqdii ah (dil sugayaal siyaasadeed) uu dhoolatus siyaasadeed ku sameeyo magalaadda Baladweyne.

Fahad Yaasiin ayaan maanta waxa loo sameeyay xaflad caleema saar ah oo isaga xildhibaaninimo loogu soo xushay. Waxa uu halkaas ka akhriyay khudbad uu  ku digasho ah oo lagu diganaayo kooxaha ka soo horjeeday doorashadiisa.

‘Qorshaha Afaraad

Qorshaha Afaraad ayaa ah mar hadii Fahad iyo Farmaajo ay la soo baxeen xildhibaanadii ay ka rabeen Hiiraan, waxa ay bilaabi doonaan in ay ku tagri falaan qaab xulashada xildhibanaada ka soo jeeda beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel.

Sida MOL ay u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay shaqsiyaad horay loogu balan qaaday in laga dhigayo xildhibaano, hadana garab taagan Fahad Yasin, ayaa meel cidla ah looga tagi doonaa, iyaga oo sidii cinjarka loo isticmaalay.

Fahad iyo Farmaajo oo isticmaalaya labadii nin ay horay u iibsadeen ee Guudlaawe iyo Dabageed ayaa waxaa jeebka lagala soo bixi doonaa shaqsiyaad cusub oo aan horayba loo sii shaacin in laga dhigayo xildhibaano.’

Ugu danbeeyntii, kooxihii la soo isticmaalay, iyo kuwa rajada la galiyay   ayaa waxa ay bilaabi doonaan qori tuur ayaga oo aan waxba ka badali karin natiijada doorashada Gobolka Hiiraan.

Xaqiidii waxaa nasiib xumo ah in qabiilo waligood ku faani  jiray in ay yihiin qabiilo leh sal adag oo ilaalashada karamaadooda iyo awoodooda siyaasadeedba uu maalin cad ku ciyaaro, kufsado siyaasadoodii iyo dhaqankoooda.

Doorashada ka socoto Baladweyne waxa ay god dheer ku riday awoodii ay sheegan jireen beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel. Waxaana shaki ku jirin in ayan mar banbe ayan saameyn weyn ku yeelan doonin geedi socodka siyaasada Soomaaliya.