Waa maxay ujeedka booqashada dhuumashada ah ee Wasiir Axmed Shidde

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Maaliyada dowladda federalka ee Itoobiya Axmed Shide, ayaa socdaal aan la sii shaacin waxa uu maanta oo Sabti eheyd ku soo gaaray magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Axmed Shide oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Xisbiga haya talada Ismaamulka Soomaalida, ayaa sida uu sheegay waxa uu u yimid Muqdisho sidii uu madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uu u soo gaarsiin lahaa dhambaal hanbalyo ah oo ku aadan todobaadka xoriyada oo uu ka siday Ra’iisul Wasaare Abiye Axmed.

Sida ay ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia MOL u xaqiijiyeen, socdaalka qarsoodiga ah ee Wasiirka Maaliyadda Itoobiya aya waxa uu daba socdaa hamigii Farmaajo ee ahaa in loo faramaroojiya Axmed Madoobe si aanu dib loo dooran.

Itoobiya aya kol hore u fara maroojisay Farmaajo doorashadii Koofur Galbeed iyadoo ilaa hadda uu xabsi ku jiro Mukhtar Robow oo aha shaqsigii la islahaa in uu ku guuleysan doono doorashada.

Farmajo ayaa raba in muddo kororsi sameysto waxayna riyadaa ku hirgeli kartaa oo kaliya in ay ogolaadaan dowlad goboleedyada, maadaama uu gacanta ugu jiro Baarlabaanka JFS iyo golaha xukuumadda si kulligood ay u wada yeelaan muddo kororsi 3 sano ah ee uu rabo Farmaajo in uu xukunka xoog kusii haysto.

“Madaxweynaha JFS ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya kaasoo dhambaal hambalyo iyo salaan ah uga siday Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Dr. Abiy Axmed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa inta uu socdey wada hadalkooda waxay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xaalada gobolka gaar ahaan amniga doorashooyinka Jubbaland iyo iskaashiga dowladaha.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa u xaqiijiyay Wasiirka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’antahay nabadgalyada, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee guud ahaan Gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu soo koobay warka Villada.