Waa maxay ujeedada Taliska Ciidanka Gedo uu ugu sii digaayo Al-Shabaab?

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha Taliska Guutada 10aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobalka Gedo Gaasaanle Sare Maxamed Cadow Cali(Sanka) oo warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in howlgal ka dhan ah uruka Al-Shabaab ay ka bilaaban doonaan degmooyinka ka tirsan Gobalkaasi.

Dhaqan  ciidan iyo mida Istaraatijiyo ee ciidan  toona ma aha in koox aad  dagaal kula jirtid oo firfircoon isla marnaaba leh awood ay ku dhaq-dhaqaaqaan in aad idaacadaha ka sii sheegto in aad dagaal ku soo qaadi doontid. Hadalka ka soo yeeray Taliye Sanka ayaa waxa uu u muuqdaa mid lagu fashilinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Taliye Sanka  ayaa dhanka kale sheegay  in Magaalada Baardheere laga furayo Taliska laga qorshaynayo dib u xoreynta Gobalka Jubada Dhexe ee ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab,isla markaana qorshahaas la dhameystirayo.

Dhanka kale sidee bay suurgal ugu tahay in Talis ka dhisan Gobolka Gedo uu howlgal ciidan uga sameyn kartaa degaanka Jubbada Dhexe.  Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay MOL ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay dhawaan saldhig ka sameensan doonaan degaankaas isla markaana la doonayo in lagu qariyo dhaq-dhaqaaqa ciidanka Itoobiya.

Dadka ku xeel dheer dagaalka ka dhanka  ah Al Shabaab ayaa sheegaya in ayan ahayd talo fiican in dagaal xoogan oo AL Shabaab  ka dhan ah  ka dhaco deegaanka Jubbada Dhexe xili  doorashada Jubbaland ay ka hartay mudo ka yar sadax asbuuc. Waxana ay sheegeen in ciidanka Gedo laga soo abaabulayo ay yihiin kuwo laga leeyahay ujeedooyin kale.