Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala ayaa asbuucii u danbeeyay waxa uu ka hadlayay warbaahinta kala duwan isaga oo u muuqda in uu hurinayo dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.
Qorshahaan lagu hurinayo dagaalka siyaasadeed ayaa waxa uu ka socdaa xafiiska Rooble? Waxaa dad badan isweydiinayaa waa maxay ujeedada dagaalka noocaan ah oo uu gadaal ka riixayo RW Rooble? Ma waxa ujeedadiisu tahay in doorashada dib u dhacdo? Ma uu Rooble doonayaa in dagaal qabiil ka qarxo magaalada Muqdisho? Waxa maxay danta Rooble ka yeelan karo in xaalada lagu jiro lagu sii miro?
Wareeysigii ugu danbeey ee uu Al Cadaala siiyay telefishanka Universal ayuu markale ku celiyay in uu walwal ka qabo in Farmaajo soo weeraro Rooble.
“Meesha kama saareyno in weli damacyada qalafsan oo markii hore keenay wixii ka dhacay billo ka hor xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxyaabahaas inay suurtagal yihiin oo dadka qaar maskaxdooda ka fikireyso meesha kama saareyno laakiin waxaa kalsooni ku qabna in ciidanka qaranka Soomaaliyeed iyo dadka Soomaaliyeed aysan midna ka suurta-gali doonin,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas ku daray “Runtii gacantii shalay ku fikirtay inay soo weerarto Ra’iisul wasaaraha oo ciidanka qalabka sida u isticmaasho danaheeda inta gacantaas ay awood uleedahay inay waxaas sameyso meesha lagama saari karo inay khatar jirto.”
Al-Cadaala ayaa sidoo kale sheegay in amniga ra’iisul wasaaraha uu sidii horay u sugnaa uu hadda u sugan yahay, ciidamada qaranka iyo kuwa AMISOM ay iska kaashadaan, wuxuuna meesha ka saaray cabsi ka dhalatay digniintii NISA ay dhawaan soo saartay.
Waxaa nasiib xumo ah in la qabiileeyo xaalada cakiran ee uu dalka ku jiro! Iyada oo ay jiraan wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ay mas’uuliyadoodu tahay in ay ka hadlaan arintaaa ayaa waxaa si qabiili ah ugu hadlayo Ra’iisal Wasaaraha ninkaan Al Cadaala oo ay isku hayb yihiin? meeday wasiiradii kale, agaasimayashii? Ma aha xiligaan mid dadka lagu kiciyo caadifad qabiil.