Waxaa shalay safar ku yimid magaalada Muqadishu Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdrashiid Xasan Cabdi (Cabdirashiid Janan). Wasiirka waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Wasiiru dowlaha Gaadiidka iyo Wasiir kuxigeenka Amnig.
Lama oga sababta dhabta ah ee uu Cabdirashiid Janan u yimid magaalada Muqadishu. Wasiirka ayaa ka mid ah Wasiirada saaxibada dhaw la ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Sida la sheegayo Wasiir Cabdrashiid Janan ayaa la dejiyay Xarunta NISA, waxaana wararku sheegayaan in dowladda Federaalka kala hadli doono arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo dowladda Federaalka dooneyso albaab ay ka gasho.