Maqaalkan waxaa qoray Qoraaga Mareykanka ay ee la yiraahdo Michael Rubin. MOL oo u aragtay inuu waxyaabo badan ifinayo ayaa idiin soo tarjumtay.
Waxaa hadda laga joogaa ku dhawaad hal sano markii ay dhamaatay Madaxweynenimada Farmaajo, inkastoo uu weli ku andacoonayo in uu yahay mid ku meel gaar ah ilaa Soomaaliya ay ka dhacayso doorasho. Mushkiladda jirta ayaa ah in ka hor inta uusan dhammaan muddadiisa iyo sannadkii u dambeeyayba, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sameeyay wax kasta oo uu awoodo si uu dib u dhigo oo uu u carqaladeeyo doorashada si uu madaxweyne u sii ahaado.
Qalalaasaha ka dhashay hammigiisa ayaa soo shaac baxay wax yar ka hor sanadka cusub markii Farmaajo uu damcay inuu fashiliyo dadaallada uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku doonayo inuu ku abaabulo doorasho. 27-kii Diseembar, 2021, Farmaajo wuxuu ku dhawaaqay “in uu go’aansaday inuu shaqada ka joojiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu joojiyo awooddiisa mar haddii lala xiriirinayo musuqmaasuq.”
Eedeynta musuqmaasuqa ayaa u muuqata mid aan sal iyo raad toona lahayn, laakiin, markii uu isku dayay inuu shaqada ka joojiyo ra’iisul wasaaraha, Farmaajo wuxuu rabay inuu dahiyo hannaanka doorashada -mar labaad-bilo dheeraad ah. Dhibaatada dhabta ah ee Farmaajo uu ku hayo Rooble ayaa u muuqata in Ra’iisul Wasaaruhu uusan ogolaan doonin in Farmaajo uu ku sii wado ku shubashada codadka iyo doorashada oo baahsan. In Somaliland ay ku guulaysato in ay doorasho hal qof iyo hal cod ah ku qabato miisaaniyad kab kab ah balse aanay Soomaaliya sidaas yeeli karin dhawr boqol oo oday, ka dib markii ay beesha caalamka ka heshay boqolaal malyuun oo dollar ayaa muujinaysa daacad darrada Farmaajo iyo dib u dhigista xeeladaysan.
Ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada ayaa ka jawaabay inay afgambi ku tilmaameen isku dayga aan dastuuriga ahayn ee Farmaajo uu ku doonayo inuu ku hakiyo xukuumadda. Farmaajo ayaa isna dhankiisa hawlgeliyay ilaaladiisa gaarka ah, wuxuuna isku gadaamay xarunta Villa Somalia, oo dalka u dhiganta Aqalka Cad. Si dhab ah, Farmaajo ayaa hadda doonaya in uu u beddelo ciidamada Mareykanka iyo beesha caalamku ay maalgaliyaan oo ay u tababaraan xasilinta Soomaaliya iyo la dagaallanka argagixisada oo uu ka dhigo maleeshiyo isaga u gaar ah. In kasta oo falanqeeyayaal badan iyo masuuliyiin hore ay si isa soo taraysa ugu baaqayaan Farmaajo inuu baxo, haddana xaqiiqdu waxay tahay in tani ay Farmaajo u oggolaanayso inuu labadaba ka baxsado la xisaabtanka falkiisa oo uu ku raaxaysto midhaha hantidii lagu qabsaday badda.
Arrimaha sharciga ee la isku hayo waa halis. Waxaa jirta dacwad adag oo ah in Farmaajo uu galay khiyaano qaran. Xeerka Ciqaabta Soomaaliya ayaa ogolaanaya in dil toogasho ah lagu fuliyo dambiyada liddiga ku ah amniga qaranka Soomaaliya, qodobka labaad ee sharciga waxa uu dhigayaa in hubka loo adeegsado dowladda uu yahay dembi culus, waxaana qodobka 4-aad uu ciqaabayaa in lala maleegayo ciidamo shisheeye. Marka la eego ficillada Farmaajo waxay soo jeedinaysaa inuu dembiile yahay mid kasta oo ka mid ah dembiyadan waaweyn. Arrintu maaha kaliya isku daygii afgambi ee Farmaajo ee December 27. Wuxuu marar badan danta Soomaaliya hoos geeyey tan madaxda Itoobiya Abiy Axmed iyo kaligii-taliyaha Eritrea Isaias Afwerki. 2017, Farmaajo ayaa xiray, ka dibna si sharci darro ah ugu gacan geliyey Itoobiya Col. Cabdikariim Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax” si ka baxsan nidaam kasta oo sharci ah. Kiisku wuxuu dhaliyay qaylo dhaan guud ahaan Soomaaliya, laakiin Farmaajo ama saraakiishiisii ayaa sida muuqata aqbalay laaluush si ay u xaqiijiyaan natiijadii ay Itoobiya raalli ka ahayd.
Tani ma ahayn kiis kaliya ee Farmaajo uu si ula kac ah ugu khiyaameeyay sharciga iyo danaha Soomaaliyeed dano shisheeye. Wareejintan Askarta Soomaalida ah ee loo dirayo Ereteriya, oo ay u muuqato in ay tabobar qaadanayso, ayaa si cad u muujinaysa arrintan. U wareejintoodii ku xigtay ee Itoobiya, oo lagu qasbay inay u dagaallamaan magaca dagaalka sokeeye ee Abiy, waxay soo jeedinaysaa, ugu yaraan, Farmaajo inuu ku hawlan yahay ka ganacsiga dadka si uu faa’iido u helo ama mid diblumaasiyadeed, xitaa haddii si uun falkiisu uusan si toos ah u khiyaanayn madax-bannaanida Soomaaliya. In uu ku wareejiyay wiilasha yaryar ee Soomaaliya si qarsoodi ah oo ka baxsan habraac kasta oo sharci ah, si kastaba ha ahaatee, waxay soo jeedinaysaa in khiyaanada qaranimadu ay tahay mid dhab ah oo ku talagal ah. Hooyooyinka Soomaaliyeed waxay weli raadinayaan jawaab ku aaddan aayaha wiilashooda.
Sharci ahaan, isku daygii Farmaajo ee qarinta wuxuu ahaa mid aad u xun haddaanay ka sii darneyn. Bishii Juun 2021, Ikran Tahliil Farah, oo ah gabar dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ka tirsaneyd shaqaalaha rayidka ah ee ka shaqeysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa la waayay kadib markii lagu eedeeyay inay ogaatay xaqiiqda ka dambeysa in ciidamo Soomaali ah loogu wareejiyo dalka Eritrea. Ciidamada taabacsan Farmaajo iyo taliyihiisii sirdoonka Fahad Yaasiin ayaa markii dambe dilay si ay u aamusiiyaan. Farmaajo ayaa intaa ka dib diiday, oo damcay inuu dhaawaco baadhis kasta oo madax bannaan oo isaga ama Yaasiin ku xiriirin karta kiiska.
Liiska ayaa socda. Iyadoo hadda Farmaajo uu u adeegsado ciidamo uu Mareykanku tababaray si ay isaga difaacaan marka uu iska dul-fadhiisto xarunta Villa Somalia, ayaa marar badan waxa uu si qaldan u adeegsaday ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda dano gaar ah. Arintaasi waxay ahayd tusaale ahaan markii uu u adeegsaday xoogag sarsare oo uu Meesha uga saaro siyaasiyiintii ku loolamayay Galmudug iyo Jubaland. Bilihii la soo dhaafay, waxa uu weerar ku qaaday ururka Ahlu-Sunnah Waljamaaca oo ah kooxda ugu guulaha badan dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Qaacida xiriirka la leh Al-Shabaab, si uu tartanka dhinac uga dhigo.
Hadalada been abuurka ah ee Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Antony Blinken ma xallin doonaan colaad mana soo celin doonaan nabad Soomaaliya; Hadday wax jiraan, daciifnimadooda waxay ku dhiirigelinaysaa Farmaajo madax adayg weyn.
Xallinta dhabta ah ee khilaafka ayaa ku iman kara xal Soomaaliyeed oo loo maro sharciga Soomaaliya. Kiiska ka dhanka ah Farmaajo ayaa ah mid aad u culus si la mid ah kiiskii Ciraaq ee Sadaam Xuseen. Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya waa in ay soo gudbisaa eedeymo isugu jira dil, shirqool iyo khiyaano qaran oo ka dhan ah xasbiga Farmaajo. Farmaajo wuu is difaaci karaa ama waa uu lumin karaa fursadda. Dacwadaha maxakamaddu waa in ay noqdaan kuwo guud. Haddii ay maxkamaddu ku hesho mid ka mid ah eedaha lagu soo oogay, Farmaajo waa in uu wajaho ciqaabta uu dhigayo sharciga Soomaaliya: Dhimasho toogasho ah. Arrintu maaha kaliya dembiyada nin keliya, balse waa in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay hore ugu sii wadaan dadaalkooda dib u dhiska qaranka iyo doorashooyin nabadeed si jiilka soo socda ee Soomaaliyeed ay u helaan nolol iyo fursado ka wanaagsan kuwii hore.
WQ. Michael Rubin
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Muqdiaho Online.