Iyada oo la taabagalinayo amar uu bixiyay Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa dib loo fasaxday isticmaalka UN-Terminaal Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dib u furtay isticmaalka UN Terminal ee garoonka Aadan Cadde oo aheyd qeyb u gaar ah isticmaalkeeda UN-ka, AMISOM iyo dhamaan Ajaaniibta degan Xerada Xalane.
Ternimaalkan oo ay dhawaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya sheegtay iney xirtay ayaa haatan Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay iney dib u fasaxday isticmaalka Terminaalkaasi. Sida MOL loo xaqiijiyay qaar kamida ehelka Ra’iisal Waraare Rooble ayaa qandaraas ku qaba qaarkamida howlaha garoonka qabto.
Dhanka kale waxa jira khilaaf la xiriria furitaanka Terminalka. Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Amniga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ee kala bixiyay amarada lagu xiray Terminaalka iyo kan dib loogu furay ayaa ah laba wasiir oo saaxiibo dhaw la kala ah madaxweynaha iyo raysal wasaaraha oo xiligaan khilaaf noocii ugu darnaa uu ka dhex taagan yahay, waxayna arintaan dab kusii shideysa khilaafka ka dhex jiray labada dhinac oo ku loolamaya dhanka awooda.
Talaabada uu qaaday RW Rooble ayaa waxa ay dhaawac ku tahay qaranimada Soomaaliya.