Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shiikh Sharif Shiikh Axmad ayaa soo saaray warmurtiyeed uu ku sheegay in uu isaga gaar u yahay. Warmurtiyeedka uu soo saaray ayuu ku soo dhaweynayay doorashada boobka ku dhisan ee ka socoto dalka.
Warmurtiyeedka uu soo saaray Shiikh Sharif ayuu ku amaanay kuna dhiirigaliyay Doorashada Farmaajo hogaanka u hayo. Waxaana hadalkiisa ka muuqanaysay in qoraalka uu ahaa mid Villa Soomaaliya looga soo dhiibay.
Warmurtiyeed Shiikh Sharif ayaa soo baxay maalin ka hor shirka ay Madasha Midowga Musharaxiinta u balansan yihiin, kaas oo la filayo in uu ka soo baxo warmurtiyeed lagu qaadacayo doorashada boobka ah ee uu Farmaajo kawada qaybo kamida dalka.
Waxa jira xogo laga helay Ilo muhim ah kuwaas oo sheegayo in Fahad Yasin bixiyo masruufka Shiikh Sharif isla markaana loo balan qaaday in isaga uu Fahad Yasin u noqonaayo qorshaha labaad (Plan B) mar hadii Farmaajo u socon waayo.
Ujeedada qoraalkiisa ayaa sidoo kale la doonayay in lagu muujiyo in khilaaf ka dhex jiro Midowga Musharaxiinta.