Waa maxay sababta Radio Muqdisho uu wararka ugu baahin doono luuqada Talyaaniga

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo ayan jirin barnaamijyo si rasmi ah loogu baahiyo luuqada labaad ee dalka Soomaaliya oo ah luuqada Carabiga ayaa Xukumadda Rooble waxa ay shaacisay inay Radio Muqdisho  uu ku hadli doono luuqada Talyaaniga. arintaan ayaa yaab ku noqtay dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,  Cismaan  Dubbe iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa kala saxiixday heshiis ayaa shaaciyey in Raadiyo Muqdisho lagu soo kordhin doono Luuqadda Talyaaniga oo horrey uga bixi jirtay Idaacadda xilliga dowladdii dhexe ee dalka.

Wasiir Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in mudooyinka dambe ay Wasaaraddu ku howlaneyd in Idaacadda lagu soo kordhiyo Luuqadihii ka bixi jiray, haatanna lagu bilabi doono Luuqadda Talyaniga, taasi oo qeyb ka ah xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ka dhexeeyo..

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi ayaa xusay in Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo qoto dheer, uuna ku faraxsanyahay in dib Raadiyo Muqdisho laga baahiyo Luuqadda Talyaaniga.

Safiirka iyo Wafdiga la socday ayaa kormeeray Istuudiyeyaasha Raadiyo Muqdisho iyo keydka hadalka ee Raadiyaha oo ay ku keydsanyihiin taariikh aad u fac weyn.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!