Waa maxay sababta DFS u taageertay baaqii Puntland

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska  xukuumadda federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay ay soo dhowaynayso shirka uu ku baaqay madaxweyne Deni isla-markaana ay rajaynayaan in wax  wanaagsan ka soo baxo Shirkaasi.

dowlada Soomaaliya ayaa ka walwasan talooyinka ka soo Bixi doona shirkaas, taas ayaana keentay in ay hadal fiican uga hortagaan.

Wasiir Maareeye oo la hadlayey Barnaamij gaar ah oo xalay ka baxay Warbaahinta dowladda Soomaaliya  ayaa tilmaamey in ay rajeynayaan in shirkaas uu kasoo baxo wax wanaagsan oo maxsuulka  uu noqdo talo Soomaaliyeed oo fiican taasi oo kala aragti duwanaanta haatan jirta fududeyn doonta.

Jimcihii lasoo dhaafay ayuu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ku dhawaaqay shir-wada tashi ah kaas oo oo looga tashan-doono khilaafka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland u dhaxeeya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!