Waa maxay sababta Deni & C. C/rashid dhex-dhexaad uga noqdeen weerarkii Muqdisho?

Reading Time: < 1 minute

Cumar Cabdirashiid iyo Saciid Cabdullahi Deni ayaa qaatay go’aan ah in ay dhex-dhexaad ka noqdaan weerarkii Farmaajo ku qaaday labadii madaxweyne ee hore.

Cumar Cabdirashiid oo qoraalo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay baraha bulshada kaga gaabsaday in uu eedeeyo Farmaajo iyo dowladiisa.

Qoraalkiisa ayaa ahaa mid uu si guud uga hadlay dhibkii maalinta Jimcaha ka dhacay magaalada Muqadisho. Waxa uuna isku si ula hadlay labada dhinac ee Musharaxiinta iyo dowlada Farmaajo.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isagana ka gaabsaday in uu eedeeyo dowlada Farmaajo waxa uuna sheegay in si gaar ah ula socda xaalada magaalada Muqdisho.

Labadaan nin ee ka soo jeeda Puntland ayaa waxa damac kaga jiraa in ay u tartamaan Jagada Madaxweynaha Soomaaliya. Iyaga oo ka fakaraya dareenka kaga imaankara hadii ay Farmaajo si toos ah u dhaleeceeyaan ayaa ay  go’aansadeen inay dhexdhexaad ka noqdaan dhibkii Muqdisho ka dhacay.

Dhanka kale, waxa ay ka dhex arkaan dhibkii ka dhacay Muqdisho faa’iido siyaasadeed. Waxaa ku karaamo beelaya waa mucaaradka ka soo jeeda beesha Hawiye ee ku sugan Muqdisho. Taas oo iyaga siinaysa fursad siyaasadeed oo ay uga guulaystaan xubnaha midowga Musharaxiinta.