Labdii asbuuc ee u danbeeysay waxaa magaalada Muqdisho iyo dalka dibadiisaba ka socday kulamo (qarsoodi ah) oo isgarab socda kuwaas oo loogu kala dab-qaadayay Gudoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Fahad Yasin.
Kulamadaan waxaa qayb ka ahaa Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareye) oo dhawaan markale la soo doortay iyo labo will oo kamida caruurta uu dhalay Cabdi Xaashi. Kulamadaan oo qaatay waqti dheer ayaa ugu danbeeyntii waxaa heshiis hoosaad wada galay labada dhinac iyaga oo ku heshiiyay in si buuxda loo wada shaqeeyo, gaar ahaan arimaha doorashooyinka.
Cabdi Xaashi oo ka biyo diiday in uu si toos ah u horfariisto Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Farmaajo ayaa ugu danbeeyntii lagu qanciyay in uu qadka taleefanka kula hadlo. Farmaajo ayaana weydiistay Cabdi Xaashi cafis isaga oo dusha saartay wixii qalad ah ee horay u dhacay.
Dhanka kale Cabdi Xaashi oo horay balamo gaargaar ah ula galay qaar kamida musharaxiinta ka soo jeeda beesha Hawiye, ayaa sheegay in uu gabi ahaanba uu ka quustay in dalkaan uu gacanta markale u galo beesha Hawiye inta ay ayagu isku jeedaan oo ay isfiirsanayaan.
“ waa run in aan ahay nin ka soo jeeda beesha isaaq laakiin, .. laakiin hade, aniga dhaqan ahaan iyo qoys ahaabna waxaan ku abtirsadaa, Hawiye, gaar ahaan Abgaal, ayaga ayaan la soo dhaqmay caruur ii dhalay, isoo dhaqaaleeyay laakiin waxaa muuqata in ayan beesha aragti siyaasadeed lahayn, isna qaban karin, waxaan ii muuqata ayuu in uusan jirin dhaqan kala celin kara” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo si qarsoodi ugu waramay saaxibadiisa.
Waxa uu intaas ku daray “ Adeer beesha Hawiye waxa ay leedahay dad da’ yar dalkaana magac iyo xushmad ku leh, kana soo shaqeeyay laakiin marnaba aan fursad la siin sababtoo ah ragii horay u soo fashilmay ayaa si kutagal ah uga shaqeeynaya in aan cid kale oo aan ayaga ahayan isku soo taagto hogaanka dalka.. Farmaajo waxaa ka adkaan kara waji iyo dhiig cusub taa bey garan la’a yihiin”.
Isaga oo caro ka muuqato ayuu intaas raaciyay “ Soo taa ma aha iyagiiba laga dhex shaqeeystay oo lakala qaybiyay“
MOL wali maysan heli qodobada rasmiga ay ku heshiiiseen Fahad Yasin iyo kooxdiisa iyo Kooxda la socotay Gudoomiye Cabdi Xaashi. Waxaase loo badaninayaa in lagu heshiiyay qaabkii Cabdi Xaashi markale loo soo dooran lahaa iyo sidii uu isagana u taageeri lahaa qorshaha Fahad Yasin, doorna ugu yeelan lahaa dowlada Fahad soo dhisan doona, waaba hadii ay u suugarasho.