Reading Time: 2 minutes

Kulankii shalay ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay arimaha cakiran ee ka jira Soomaaliya, waxaana ka hadlay safiiiyo madax kala duwan. Kulanka ayaa intii uu socday ayaa lagu soo hadalqaaday dhamaan saamilayda siyaasadda Soomaaliya, laakiin waxaan marnaba aan la soo hadal qaadin mucaaradka dowlada, gaar ahaan kuwa ku sugan dalka dibadiisa iyo gudahiisaba.

Muacaaradka ka soo horjeeda dowlada fedaraalka ayaa waxa ay u muuqdaan kuwa sii dhuminaya kalsoonida umadda Soomaaliyed, hadana waxaa ugu darsamay beesha Caalamka. Dhowr sababood ayaana ay salka ku haysaa  sababta beesha caalamka uga gaabsatay in ay soo hadal qaado mucaaradka dowlada:

  • Iyaga oo aan  qaadinin wax talaabo muuqda ah oo looga soo horjeeda dowlada oon ka ahaynin  qoraalo canbaarayn ah oo looga hadlayo ficilo dowlada ay ku dhaqaaqday. Calaacalkaas oo ayan la socon wax tilaabo ama ficil looga hortago ficilada gurxan oo ay Farmaajo iyo Kheyre ku kacayaan. Taas oo niyad jab ku keentay shacabka Soomaaliyeed, kana quusatay mucaaradka.
  • Iyaga oo aan wax talo ah oo barbar socdo qorshaha dowlada waligood soo jeedinin… waxa kaliya oo ay sameeyaan waa iyaga oo ka hadla ama ka  jawaaba qorsho ama ficil  dowlada ku dhaqaaqday. Inta ay eedeyn lahaayeen dowladda fashilantay ee waqtigeedu yahay gabagabada , waxa ay ahayd in ay talo cusub ayaga la yimaadaan.
  • Qaar kamida mucaardka oo xiriiro hoose la leh Fahad Yasin kuwaas oo aaminsan in uu isagu wax ka dhigi karo ama ku caawin karo in madaxweyne ka noqdaan Soomaaliya.
  • Fashil ku yimid dhankooda oo ah iyaga oo taageeri waayay shacabkii dhawaan mudaharadka ku sameeyay magaalada Muqadisho, kuwaas oo dareemayay in ayan haysan garab mucaarad oo ku caawiyag gadoodka ay ka sameeyeen gabool-falka Farmaajo iyo Kheyre

Sababaha kor ku xusan iyo qaar kale oo la mida ayaa keenay in beesha caalamku ka niyad jabto mucaaradka dowlada, isla markaana ayan u arkin kuwa u haya shacabka Soomaaliyeed aragti cusub oo ka duwan kan Farmaajo iyo Kheyre.

Waxaa la gudboon mucaaradka ay hogaaminayaan madaxdii hore  ee dalka in ay la yimaadaan aragti  cusub oo dib u soo noolaynaysa karaamadooda, shacabkana markale rajo galinaysa, taas waxaa ay ka bilaabaynaysaa in ay ficil u badalaan calaacalka joogtada ah ee shacabk ku daaleen, markaas ka dib ayaa ay helayaan aqoonsida beesha Caalaamka iyo kan umadda ay doonayaan in ay xukumaan.