Dowladda Itoobiya waxaa ay saameeyn aad u balaaran ku leedahay gololaha wasiiraada ee xukummadda Xassan Kheyre, waxaana aan shaki ku jirin in Madaxweyne Farmaajo uu xog ogaal u yahay arintaan.
Sida aad la socotaan dowladda Itoobiya si kal iyo laab ah ayaa ay u soo dhaweysay markii la magacaabay golaha wasiiraada. Soo dhawayntaasna waxa ay ka tarjumaysay sida ay maqsuud uga ahayd dowladda cusub. Sadax sababood ayaana gundhig u ah xiiriirka hoose ee Kheyre iyo Itoobiya:
- Magacaabista wasiiro xiriir hoose Itoobiya la leh kalsoonina ay ku qabto: waxaa uu Xassan Kheyre u magacaabay golihiisa wasiiraada rag aad ugu dhaw uguna dhago nugul Itoobiya oo uu u horeeyo Ra’isal Wasaare ku Xigeenka, oo ah Soomaali haysta dhalashada Itoobiya, kana soo shaqeeyay Kalinka shanaad ee Ismaamulka Soomaalida. Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa gudi lix qofood ah oo ay Soomaaliland u magacaawday in arimaha Soomaaliya ka shaqeeyaan. Gudigaan oo talo ahaan ay soo jeedisay dowladda Itoobiya.
- Wasiirka gaashaandhiga Waxa soo jeediyay ama soo gudbiyay Safirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaludin.
- Wasiirka Qorsheynta, Jamaal oo ku shaqeeynayay labo waji Inta uu ahaa Safirka Soomaaliya ee kenya. Inkastoo iyaga ayan toos u keenin Yusuf Garaad hadana waa lagala tashaday. Dhowr habeen ka hor Inta aan loo magacaabin waxa uu ku qayilayay aqalka safaarda Itoobiya ay ka degan tahay magaalada muqadishu.
- Taliyaha NISA Sanbaloolshe ayaa isna Itoobiya xiirir tobaneeyo Sano soo socday la leh sirdoonka Itoobiya. Markii loo magacaabay taliyaha wadankii ugu horeeyay uu tagay waxaa uu ahaa Itoobiya. Bishiiba labo mar ayuu u tagaa safar iyada oo ayan jirin cid uu kala tashado.
- Taabid Cabdi Duqa magaalada Muqadishu ayaa si aan han lahayn ula shaqeeyo dowladda itoobiya. Lix casho markii uu ahaa Duqa magaalada ayuu Nairobi kulan kula qaatay saraakiiil itoobiyaan ah isaga oo wakiil ka ah Madaxweyne Farmaajo, sidoo kale Waxa uu magaalada Muqadishu xiligaan ku hayaa dad u adeeega dowladda itoobiya.
Waxaa kale oo jiro Wasiiro oo aad ugu dhaw dhaw Itoobiya. Habeenkii ugu danbeyay ee la dhameyay liiska Golaha wasiirada, nuqul ugu danbeeyay waxaa lala wadaagay dowladda Itoobiya. Itoobiya Waxaa ay ku guulaystay in ay dad badan oo lagu tuhmayo wadaninimo iyo naceebka Itoobiya laga saaro liiska wasiirdda haba u horeeyo Xildhihaan Zakariye. Mid ka mid ah Saraakiisha Itoobiyaanka ayaa sheegay laga soo bilaabo dowladii Cabdullahi Yusuf waa markii ugu horeeysay oo ay dowlada Itoobiya saaxibo dhab ah ku yeelato golaha wasiiraada kuwaas oo si toos ah xiriir ula leh dowladda Itoobiya.
RW markii u tagay Addis Ababa labo bil ka hor waxaa safarkiisa ku wehliyay Xildhibaan Mustafa Dhuxulow iyo Xildhibaan Cabdullahi Goodax, oo hadda si cad u difaacaayo mowqifka RW Kheyre isagoo rajo ka qaba in isku shaandheynta uu noqdo Wasiir. RW Kheyre ayaa safarkaas in uu u dhaxeeyo xildhibaan Mustaf Dhuxulow. Kheyre Waxaa sidoo kale oo xiriiraya labada dhibac wakiilka qaaska ah ee dowladda Norway ee arimaha Soomaaliya Jens Mjaugedal oo xiriir saaxibtinimo iyo ganacsi kala shaqeeyo kheyre. Sidoo kale Waxa u sheegay Hailemariam iyo la taliyayaashiisa in labo bilood gudahood ku arki doonaan isbadal ay u riyaaqaan.
Magacaabida safiir Jamaludin oo ah qof Soomaali, RW hana ay isku hayb yihiin waxa ay ahayd kalsooni galinta Xasan Kheyre in uu yahay saaxiib Itoobiyaan ah dantoodana ka shaqayn doono.
RW Xasan kheyre iyo Hailemariam Desalegn waxa ay ku balansan yihiin in shirka soo socda ee qaramadda midoobay ku kulmaan dhammaadka bisha sebtember 2017.
Habada ma aha arrin lala yaabo in RW Kheyre aqbalo isla markaana fuliyo rabitaanka Itoobiya.
[democracy id=”1″]