Shirkii Golaha Wasiiradda ee asbucii hore ayaa lagu soo bandhigay hindise lagu baabi’inayo Xoghayaasha Joogtada ah ee Wasaaraddaha iyadoo la cuskanaayo xeerka lambarkiisu yahay 11 oo qeexaya in la isticmaalo agaasimayaasha Guud.
Golaha Wasiirada oo ah aalad uu isticmaalo Xassan Cali Kheyre ayaan marnaba su’aal ka keenin hindsihaas waxaana si aqlibiyad ay u ansaxiyeen in la baabi’iyo Xoghayaasha Joogtada ah ee ka howgala Wasaaraddaha ay ka kooban tahay xukuumada Xasan Kheyre.
Waxaa cajiib ah in hindisahaas laga reebay wasaarado gaar ah, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo iyada loo ogolaaday in ay yeelato Xoghaye Joogto iyo afar Agaasime Guud kuwaas oo noqonayaan shaqsiyaad loo magacaabay safiirnimo ama horay u soo noqday safiiro.
Waxaa wax lala yaabo ah in Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre uu horay u diyaarsaday liiska agaasimayaasha cusub oo uu isaga si gaar ah u soo xushay. Liiskaan waxaana lagu dhawaaqi doonaa todobaadyada soo socdo, iyadoo liiska la soo xulay ay yihiin kuwo Ra’iisul Wasaaruhu uu doonayo in ay fududeyaan danahiisa Mustaqbalka siyaaseed. Ujeedada rasmiiga ah ee ka danbeeysa qorshahaan ayaa ah in gacanta lagu dhigo dhamaan ilaha dowlada ee dhaqaalaha, siyaasada iyo amniga.
Xasan Kheyre iyo Fahad Yasin ayaa ku mashquulsan taabagalinta qorshayaal ay horay u samaysteen kuwaas oo salka ku haya doorashada 2020 iyo la wareegida adeega dowlada si dhaqaale looga sameeyo dowladnimada. Talabaabooyinkaan qorsheysan ayaanayn jirin mucaraad ama baarlaam ka hadlaya ama dabagal ku sameeynaya ku tagrifalka awooda sharciga.
Dhaqanka Mooryaanimada oo ay ku dhaqmayaan Farmaajo iyo Kheyre ayaa waxa uu keeni doonaa in dalka Soomaaliya uu galo xaaalad dowladnimadiisa ay khatar gasho. Qorshooyinka la maleegayo ma ahaan doonaan kuwa keena in dad iyo dalka Soomaaliyeed koox ku qabsato balse waxa uu keeni doonaa cawaaqib xumo ku timaado Farmaajo iyo kooxiisa Qayaano Qaran.