Waa maxay qorshaha Farmaajo ee shaqo ka joojinta taliyaha Ciiddanka Badda?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne xilkiisa dhamaaday Farmaajo ayaa faray taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa, in uu shaqada ka joojiyo taliyaha ciidanka Badda Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Shaqo ka joojintan ayuu madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay mid muhiim u ah dhammeystirka baaritaanka tuhunka ku takrifal dhulka dan guud ah oo taliyaha ciidanka baddu uu usoo jeediyay raysal wasaare Rooble.

Ujeedada rasmiga aha ee ka danbeeysa shaqo joojinta taliyaha ayaa ah in si wadajira loo baaro Rooble iyo Cabdixamiid. Si taasi ugu suuragashana waxa uu faray dhammaan Ciidamada Qalabka sida inay ku fara-adeygaan dhulka Danta guud taas oo sida uu sheegay aas-aas u ah howl gudashadooda.

Shaqo joojinta uu amray madaxweynuhu in lagu sameeyo taliyaha ciiddanka badda, waxaa kasii horreysay shaqo joojin uu madaxweynuhu ku sameeyay Ra’iisal wasaare Rooble.
 Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa shaqada laga joojiyay tan iyo inta lagasoo gabagabeynayo baaritaanka tuhunka musuq maasuqa dhuleed oo uu kusoo eedeeyay taliyaha ciidanka badda.