Waa Maxay Aqoonsiga Umadda Soomaaliyeed

Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta 10-9-2019 Presentation ciwaankiisu ahaa (Waa Maxay Aqoonsiga Umadda Soomaaliyeed) u jeediyay ku dhowaad 30 dhallinyaro oo aqoonyahanka xisbiga ah, wiilal iyo gabdhona isugu jiray.

Kulan oo ay goobjoog ka ahaayeen Xog-hayeyaasha Baahinta mudane Sh. Yusuf Madaale iyo Dhallinyarada mudane Ciise guure ee xisbiga UPD ayaa mudane Hassan Sheikh Mohamud wuxuu soo jeedintiisa qodob qodob ugu dul istaagay tiirarka asalka u ah jiritaanka umadda Soomaaliyeed iyo caqabadihii ay wajaheen 30kii sano ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha xisbiga ayaa ku qeexay aqoonsiga iyo asalka waxa ka dhaxeeeya umadda Soomaaliyeed in ay tahay Af Iyo Diin kuwaasi oo 30kii sano ee u dambeeyay khalkhal laga geliyay dadka Soomaaliyeed sida uu sheegay.

Wuxuu tilmaamay in Afka ama Qabiilka laga qabyaaladeeyay, halka Diinta oo udub dhexaad u ah aqoonsiga umadda Soomaaliyeed fahamkeeda laga khalday oo afkaaro lagasoo min guuriyay umaddo kale fahamka looga badelay.

Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa xusay in marka hore ay muhiim tahay in umadda Soomaaliyeed ay aqbalaan labadaasi tiir in ay udub dhexaad u yihiin jiritaankooda umaddeed, isla markaana ay ilaashadaan oo aqoon u yeeshaan.

Faa’iidada Afka iyo Diinta ayuu guddoomiyuhu ku sheegay in ay yihiin in ay ilaaliyaan jiritaankeena iyo dowladnimadeena.

Ugu dambeyn gabogabadii kulanka ayey aqoonyahankii kasoo qeyb galay kulanka su’aalo mowduuca ku saabsan ku weydiiyeen mudane Hassan Sheikh Mohamud, isagana uga jawaabay.

UPD PARTY “NABAD & HORUMAR”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here