Waa kuwee Saraakiisha ku biirtay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?

Reading Time: 3 minutes

Doorashada Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Bilaabatay 1 November 2021 ayada oo maalitaas la doortay Xildhibaankii ugu horreeyay ee BFS, kaas oo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed asiga oo ku soo baxay kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#239.

Bilowga doorashada BFS ayaa noqotay waddo horay loo qaaday ee dhanka doorashada xilli lagu guuleystay in meesha laga tuuro Muddo kororsiga uu sameestay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo sababtay in waddanka uu ka badbaado qalalaaso siyaasadeed.

Haddaba waxa aan halkaan idin kuugu soo gudbineynaa Saraakiisa Ciidanka ee ku soo baxday Doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ka midyihiin saraakiil ka soo horjeesatay muddo kororsiga uu sameeyay Madaxdweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmajo.

25kii November 2021, waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Galmudug lagu qabtay doorashada kursi HOP#067 kaas oo Musharaxiinta qaar ay diideen sida wax loo waday.

Kursigan ayaa waxaa ku soo baxay Agaasimaha KMG ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey kaas oo helay 68 cod, musharaxa la tartamay oo ah Maxamed Cali Culusow 20 cod waxaana xumaaday 3 cod balse ergada doorashada kursigaan loo diiwaangeliyay waa 91 ruux. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Galmuduga.

Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka oo hakiyey kursigii loo boobay Yaasiin Farey | Dayniile.com
Yaasiin Cabdullaahi Farey

April 2020 ayaa Yaasiin loo magacaabay Taliyaha NISA ee Gobalka Banaadir, asiga oo usii dalacay Taliye ku xigeenka NISA. 7 September 2021 ayaa Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay Yaasiin Fareey Taliyaha KMG ee NISA, ka dib markii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xilka ka qaaday Fahad Yaasiin oo ahaa taliyaha NISA.

27ka Janaayo 2022, waxaa magaalada Dhuusamareeb lagu doortay Doorashada Kuriga HOP#248 oo uu ku guuleystay Gen. Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo helay 81 cod iyo Cabdullaahi Xirsi Diirshe 17 cod helay waxaana halaabay 2 cod.

12 Apriil 2021 Gen Saadaq Joon ayaa ka hor istaagay Muddo kororsiga Madaxeynaha Muddo Xildeekiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayada oo Baarlamaanka uu maalinkaas ka doodaayay inuu ansixiyo Muddo dheeraysigaas.

Gen Saadaq Joon oo loo doortay xildhibaan ka mid ah golaha shacabka – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia
Gen. Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon)

Isla maalintaas ayuu Farmaajo oo u sii maraya taliyaha booliska Gen Xijaar waxa uu xilka ka qaaday Gen. Saadaq.

Apr 15, 2021, Farmaajo ayaa sheegay in uu dhamaan darajadii iyo xuquuqdii ciidanimo uu ka xayuubiyay Saadaq oo markaasi ka mid ahaa saraakiishii diidaneed mudo kordhinta.

12 Febraayo 2022, waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug lagu doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP#025 oo ay ku soo baxay Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) ka dib markii uu tanaasulay Xasan Cali Cismaan fadhisay, kursiga uu ku soo baxay Guddoomiayah Degmada Deyniile Jacfar waxaa ku fadhisay Baarlamaanka 10aad Naciima Maxamed Gacal.

Guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo Noqday Xildhibaan helay 100 Cod | Somalisan.com
Maxamed Abuukar Cali (Jacfar)

14 Febraayo 2022 ayaa waxaa Magaalada Dhuuso Mareeb lagu doortay kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#007 oo ku soo baxay Faarax Cabdi Diini oo ahaa guddoomiye Kuxigeenka howlaha guud ee Gobolka Benaadir ahaana taliyaha NISA ee Waaxda dekedda Muqdisho.

May be an image of 1 person, standing, indoor and text that says 'DO EE'
Faarax Cabdi Diini

Kursiga uu ku soo baxay Faarax ayaa waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad xildhibaan hore Cabdullaahi Wehliye.

Isla maanta waxaa Dhuusomareeb lagu doortay kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#040 oo ku soo baxay Cabdullaahi Adan Kulane (Kulane Jiis), ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay oo ahaa Xassan Cabdi Jaamac.

May be an image of 1 person and standing
Cabdullaahi Adan Kulane (Kulane Jiis)

23 July 2021 Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday kulane Jiis oo ahaa Madaxa Shaqaalaha ee NISA, ka dib markii ay ka timid cabashooyin badan.

Cabdullaahi Aadan Kulane Kulane Jiis ayaa ku edeesan inuu kaalin kulahaa dilka Ikraan Tahliil oo aheed Sarkaal ka tiirsan NISA sida ay sheegeen qaar ka mid ah ehalada.

Haddaba maxaa laga filayaa Saraakiisha ka mid noqoneysa Golaha Shacabka Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya?