Waa kuwee ragga ka tirsan Al-Shabaab ee uu Mareykanku dul dhigay $10 milyan?

Reading Time: 2 minutes

Waxada abaalmarinta dhinaca caddaaladda ee Mareykanka ayaa shaacisay magacyada saddex ka tirsan hoggaanka ugu sarreeya Al.-Shabaab oo ay madaxadooda dul dhigtay abaalmarin lacageed oo dhan $10 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Lacagta abaalmarinta ah ayaa lasiin doonaa qof walba oo keena macluumaadka horseedi kara in la ogaado halka ay raggaas ku sugan yihiin.

Qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee waaxdan, oo sidoo kale lagu faafiyay Twitter-ka safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu yiri sidan: “Ilaa $10M ayaa lagu bixinayaa xogta ku saabsan raga  kala ah MAHAD KARATE, AHMED DIRIYE & JEHAD MOSTAFA, kuwaasoo ku lug lahaa weerarro badan oo lagu dilay kumannaan qof, gudaha Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale. Ma garaneysaa halka ay isku qarinayaan? NOO SOO DIR FAR FIIQ!

Mareykanka ayaa sheegay in qofka lasoo wadaaga macluumaadka shakhsiyaadkan uu heli karo lacagtaas 10-ka mlyan ee doolar ah iyo in sidoo kale laga kaxeeyo Meesha uu joogo qofka xogta keenay oo dib u dejin loo sameeyo.

Waaxda bixisa abaalmarinnada caddaaladda ee Mareykanka ayaa sidoo kale dhawaan shaacisay in ay lacag dhan $10 milyan oo doollarka Mareykanka ah abaal marin ahaan u siineyso ciddii ka caawisa burburinta shabakadda dhinaca dhaqaalaha u qaabilsan Al-Shabaab.

Mahad Karate

Cabdiraxmaan Maxamed Warsame, oo caan ku ah “Mahad Karate” waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee ururka Al-Shabaab.

Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Waxa uu dhashay intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waa ku xigeenka hoggaanka ururka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoos tagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka kooxdan ee Amniyaadka loo yaqaanno iyo xitaa qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee kooxdan.

Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.

Axmed Diiriye

 

Axmed Diiriye Cumar, oo sidoo kale loo yaqaanno “Abuu Cubaydah” waa hoggaamiyaha Al-Shabaab.

Macluumaad badan lagama yaqaanno taariikhdiisa, balse waxa uu horay u ahaan jiray madaxa garabka Al-Kataib.

Cod ay warbaahinta Al-Shabaab shaaciyeen bishii September ee sanadkii 2019 ayaa laga maqlay Axmed Diiriye oo ka hadlayay arrimaha ka taagnaa Soomaaliya, waxaana Meesha ka baxay hadal heyn horay u jirtay oo ku saabsaneyd in uu geeriyooday.

Inkastoo uusan badanaa kasoo muuqan meelaha fagaareyaasha ah, Axmed Diirye waxa uu bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay hanjabaad u soo diray ergada xulaneysay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna hadallo u ugu gooddinayay ka jeediyay goob la isugu soo baxay munaasabadda ciidda.