Waa kumaTaliyaha guud ee ciidanka qalabka sida “Farmaajo mise Kheyre”

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada.

Kulanka deg degga ah ayaa RW Kheyre ku sheegay in aay hayaan qorsha uu diyaariyay taliska ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in kooxaha argagaxisada ah looga saaro deegaannada kamid ah dalka ee ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ka qeyb galayaasha shirka degdega ah oo filaayay ajande ka duwan midka uu RW kheyre la soo shir tagay ayaa bilaabay in aay hoosta iska weeydiiyaan su’aalo aay ka mid yihiin “Qorshahan ma saacado gudahood ayaa lagu diyaariyay iyo Haddii uu qorshe jiray maxaa goor hore loo keeni waayay”

Taliska CXDS ayaa la tacaalaya sidii loogu qancin lahaa ciidanka gadoodka ah ee ka soo baxay furimaha dagaalka ee labada gobol ee Sh Dhexe & Sh. Hoose, xilli Wasaaradda Gaashandhigga, Maaliyadda & Xafiiska RW Kheyre aay lunsadeen mushaarkii ciidanka muddo ka badan afar bilood, isla markaana laga goostay raashinkii ciidanka sidii aan hore idiinku soo tebinay (Halkan ka akhriso warbixinta)

Waxaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed si caro leh uga jawaabay shan qarax oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho la is weydiinayaa “Waa kuma taliyaha ciidanka Qalabka Sida” Ma MW Farmaajo ah taliya guud mise RW Kheyre? Halkee ka soo galay Kheyre in uu la wareego hoggaanka taliska ciidanka guud ee qalabka sida?