Ra’iisal Wasaare Rooble oo ay ka muuqato caadifo ayaa kulan baroor-diiqda oo loo sameeynaya Allaha u naxariistee Xildhibaanad Aamino, ka sheegay in fartiin loo soo diray inta aan la isku qarxin Xildhibaanad Aamimo.
Rooble ayaa sidoo kale sheegay in uu hayo cadeymo kale oo sheegaya in uu og yahay cidii ka danbeeysay dilkii Xildhibaanad Aamino.
Xog lagu kalsoon yahay oo ay MOL ka heshay holwadeenada xafiiska Rooble ayaa sheegay in qofka uu caawa ka hadalyay Rooble ee qoraalka u soo diray uu ahaan ninka lagu magacaabo Cumar Faaruuq oo kamida ururada u ololeeya warbaahinta Soomaalida.
“ waxaa idin xaqiijinayaa in qoraalka ama fartiinta uu RW Rooble soo hadal qaaday uu soo diray Cuamr Faaruuq oo xiiogaas ku sugnaa magaalada Baladweyne.. aniga ayaana la itusay oo indhaheyga ku arkay” sidaasa waxa yiri mid kamida howlwadeenada Xafiiska Rooble oo ka gaabsaday in aan magaciisa baafino.
Cumar Faaruq ayaa waxa uu ka mid ahaa xildhibaanada ay wateen Farmaajo iyo Fahad oo lagu badali lahaa xildhibaano ay ku jirtay Allaha u Naxariistee Aamino.