Waa kuma Musharrax  Xasan Cabdi Nuur oo  u Sharraxan Guddoonka Barlamanka ?

Reading Time: 3 minutes

Dad Badan oo hogaanka Barlamanka isu soo taagayaa waxay ceeb ku yihiin shacbiga Somaliyeed, waxayna hoos u dhigeysaa qiimaha iyo wax laga filan karo barlamanka. Tusaale waxaa kuugu filan guddoonka qeybtii dambe ee barlamankii 10aad oo sameeyey waxyaabo badan oo laga calool xumaado loona nacay barlamanka oo dhan walow ay ku jiraan xildhibanno Sharaf iyo amaan mudan basle gudoonka waa muhiim oo waa Ła afduubayey.

Dhab ahaantii ma yara dadaalka kooxda Faashilka ah ee NN ay ka wadaan arrimaha doorashooyin ha noqoto fashilin, caqabad u dhigid ama soo saarid rag lagu duminayo dowlad nimada dalka sidii Maxamed Mursal iyo Xasan Cabdi Nuur oo la rabo in haddii uu mid waayo golaha shacbiga guddoonkiisa kan kale la soo saaro.

Dadka badankood waa yaqannaan Mursal oo inta Korontadii iyo Biyihii laga goostay dhowr maalmood aan xataa istijoon oo ay musqulaha ku soo ureen, balse ay u baxeen kooxdii badbaado qaran,  haddana jilbaha dhulka u dhigtay kuwii sidaas ku sameeyey. Laakiin maaha shaqsiyadeyn oo cidda sidaas la yeelay waa gudoomiyihii aqalka wakiilada shacbiga ama golaha shacbiga, taas oo ah gef weyn oo distuuri ah, isagana uu aqbalay markii la ogoleysiiyey inuu noqdo madiidin u dhega fudud Farmajo, Fahad iyo Kheyre.

Haddaba waa kuma Xasan Cabdi Nuur?

Xasan dhalasho ahaan waxaa uu reer Abdi u yahay lafta Gareen oo Farmajo ayey isku qabiil yihiin, taasina xataa waxay ceeb ku tahay Digil iyo Mirifle oo kursiga magacooda u uku qaadanayo.

Xirfad ahaa waxaa uu ahaa Darawal wada gawaarida Truck-gga ee xamaaliga u kala qaada Mareykanka inta Farmajo iyo iyo Laftagareen aysan keenin, una isticmaalin inay awoodqeybsiga 4.5 darteed inay dowladnimada Ku soo daraan.

Sida halkaan kaaga muuqata Xasan waxaa uu Xamaali u ahaa LaftaGareen una qadi jiray baakooyinka iyo alaabooyinka ka hor intii aan lagu abaal marin jago dowladeed.

Waxaanau aaminsan yahay inuusan karti iyo aqoon uusan waxba ku heleyn sidaas adrteena uu xoog iyo xeeladba isugu geeyo sidii ay u sii jiri lahaayeen Nidaamyada Faasidka ah ee ka jira Villa Somaliya iyo Baydhabo.Ninkaan waxaa uu ka mid ahaa ragii xoogga u waday muddo kororsigii Farmajo ee labada sano, waxaana u ku bixiyey dadaal aad u weyn sidii uu boodbka aan distuurka dalka waafaqsaneyn u meel mari lahaa.

Maaha in laga been sheegayo oo waxaa halkaan ku lifaaqan qoraal uu bartiia soo dhigay markii ay NN isku dayday inay muddada kordhisato.

Marka waxay gef ku tahay inuu qof noocan oo kale ah inuu soo haweysto barlamanka xelligaan oo uu dalka ku jiro xaalad aad u adag una baahan yahay qof ka korsan dhinacyo badan sida waaya-aragnimada, da’da, aqoonta bulshada iyo dad isku wadka oo aan koox gaar ah u xaglineyn.

Haddaba sidii aan horay uga dignay Maxamed Mursal ayaan waxaan uga digeynaa inaysan xildhibaanada ku kadsoomin shakhsigaan galgalka ah ee xildhibaan walba halkiisa ugu tagaya ee codka ka codsanaya si uu codkaaga kuugu dembiyeeyo adduun iyo aakhiro, hadhowna uu cidla ku soo taago amaba uu golaha kaa saaro haddii aad NN u hogaansami weydo oo aad Allah ka cabsi ku dhaqanto.

Maanta ayaad xildhibaan fursad haysataa middi calool ku tagtay intaysan xaaladdu kugu noqon diid inaad codkaaga oo amaano kugu ah aad Daalim ugu doortid masaakiinta Somaliyeed ee dhiban.