Waa Kuma Musharrax Madaxdweyne Xasan Cali Kheyre?

Reading Time: 3 minutes

Qeybtii 1aad.

MOL ayaa waxay raad raac ku sameyn doontaa murashaxiinta u ordaya xilka badbaada qarankan ay dhinac walba ka dumisay Dowladdii NN ee ay Farmajo iyo Kheyre hogaaminayeen ka hor inta uusan usha dhexda ka qaban Maxamed Xuseen Rooble  iyo intii ka soo shaqeyneysay muddada 5ta sano iyo dheeraadka ah.

Nasiib wanaag,  Xafiiskii R/Wasaaraha ee Dalkaee dhibaatooyinkan xanuunka reebay laga fulin jiray ayaa waxaa yaab leh in xalkiina uu isaga ka yimid.Waxaa cad xalka uu yaallay halkaas laakiin raggii joogay ay xalka ka dooranayeen dhibaateynta kibirka iyo qooqa u saaxiib ah.

Waxaa ku fadhiyey sedde sana iyo bar kurisga ugu awoodda badan dalka Xasan Cali Kheyre oo hadda ah musharax madaxdweyne, haddaba waa kuma Kheyre, muxupusa Rooble kaga duwan yahay?

Markii xafiiska oo aan qalin iyo qoray waxba laga qaadin laga saaray qofkii ugu sarreeyey ee dhibaatada ka soo abaabuli jiray ama mid villada laga soo abaabulay ka fulin jiray, waa Musharaxa Madaxdweyne ee Xasan Cali Kheyree, lana keenay Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu xafiiskii R/Wasaaraha noqday halka xalka uu ka bilowdo kan sida daadka uga soo buqranayeyna lagu horjoogsado.

Taasi waxay caddeyneysaa in labada shakhsi ay kala waddanisan yihiin, kala daacadsan yihiin, kalana dadnimo badan yihiin. Kibirkii iyo islaweynidii Kheyre oo loo badalay  dulqaad iyo dabacsanaan, iswaalid loo badalay deggenaan, dhaqanxumo loo badalay dhaqan wanaag, xaasinimadii Kheyre oo loo badalay baarrinimo, ku takrifalka awoodda xafiiska ooo loo badalay u turidda isticmaalka awoodda xafiiska, u darnaanta waddaniyiinta sida iibsiga (Qalbidhagax) oo loo badalay u diir naxa waddaniyiinta (Amina iyo Ikraan) iyo in aad uga badan oo aan maqaal lagu soo koobi Karin ayuu xafiiska R/Wasaaraha dalka soo arkay 5tii sano iyo dheeraadka ay isku badaleen Kheyre iyo Rooble.

Markii RW Dalka twitter lagu magacaabay oo Xasan Cali Kheyre laga dhigay ma jirin dad badan oo qabay in wanaag badan laga filan karo, waayo Xasan Cali kheyre oo ahaa ninkii ugu sarreeyey ololihii dib u doorashada Xasan Sheekh Maxamud ee inta lacagtiina ka qaatay sirtii iyo istaratejiyadiina ka bixiyey kadibna  ku biiray kooxda Farmajo.

Xasan Kheyre maaha oo kaliya inuu been sheege weyn yahay oo kaliya ee  waa ruux ku taageeray, u sharciyeeyey, una fududeeyey Farmajo, Fahad iyo inta la mid ah dembiyada ay dalka ka galeen.

Hasa yeeshee waxaa maanta mahad mudan RW Rooble oo isla xafiiskii dhibaatooyinka dalka loogu geystay ka sameeyey wanaag badan oo ay taariikhda xusi doonto. Halkaas waxaa ka caddatay in wanaagga iyo xumaanta aysan Xafiiska u gaar ahayn ee tahay kolba qofka joogaa Xafiiska R/Wasaraha Dalka.

Xasan Kheyre waa nin kii dalka u dilay si uu Fahad iyo Farmajo u raalli geliyo, wuxuuna sameeyey waxkasta oo maanta xanuunkooda uu soo baxayo sidee ayuu u rabi karaa inuu madaxdweyne dalkaan ka noqdo. Waxaasa ka sii daran dad baraha bulshada ka taageera oo aan ogeyn inay dembiga la qeybsanayaan haddii ay ku taageeran rabitaankooda shakhsiga ah.

Raadraac yar haddii aan ku sameyno dhacdooyinkii uu qeybta ka ahaa caloosha ayaa ku xanuuneysa haddii aad waddani tahay, laakiin ku damqi meyso haddii aad tahay calooshiis la ciyaar caadifadeysan oo ah CBB2. Kooxdan waa koox yar oo hadda u ololeysa Kheyre oo runtii aad loola yaabno Meesha ay jireen sedexdii sano iyo barka uu hogaanka wax ka hayey waxa uu falay kheyre iyo hal sano barkii ka dambeeyey oo ay soo ifbaxeen wixii uu abuuray.

Waa dhab inay u badan yihiin kuwa uu si musuqmaasuq ah wax aysna lahayn u siiyey waqtigaas uu kutakri falayey awoodda xafiiska hadda wanaagga uu ka soo burqaday.

Ma inta Rooble sameeyey ayuu sameyn kari waayey Xasan Kheyre? Maya ma sameyn kari waayin ee waxaa uu qeyb ka ahaa kuna yimid khiyaanada iyo hagardaamada qaranka loo geystay. Kaliya isbarbardhig RW Rooble iyo RW hore Xasan Cali Kheyre si aad dulmi iyo daacad u kala garatid, waddani iyo khaa’in u kala garatid, tuug siyaasadeed iyo dacad siyaasadeed u kala garatid.

Isweydii haddii uu madaxdweyne noqda waxaa ka suuragala Xasan Cali Kheyre oo aan ahayn kibir, faan, ku takrifal awoodeed, iibsiga sharafta iyo kheyraadka dalka oo laga iibiyo shirkada shisheeye sida Ruushka iwm iyo waddaniyiin loo dhiibo cadow. Maanta ayey talada gacanta kuugu jirtaa xildhibaan ee si fiican uga fiirso Meesha aad dhigeysid cunugaaga mustaqbalkiisa iyo cidda aad dalkaaga iyo duunyadaada ku aamineysid.

Ugu dambeyn Xasan Kheyre dembiga kama dhaqeyso:

  1. In 7 daqiiqo lagu eryey oo uu Farmajo oo ay wax wada kharibeen eryey waana caadada tuugada oo ugu dambeynta iyaga is khaarijiya.
  2. Inay Farmajo ay isku dhaceen iyadoon la fiirin waxa ay iskula dhaceen oo ah in Kheyre oo ku yiri Farmajow adiga isma sharraxeysid ee anigaa is sharraxayo, Farmajana uu yiri haddii ay sidaas tahay doorashaba la qaban maayo waayo labadii xaaraan ku heshiisaa Xalaasha ayey ku dagaalaan.
  3. In Kheyre loo muujiyo inuu yahay dhibane Hawiye ah oo uu taas ku muto in hogaanka dalkii uu Farmajo la burburiyey lagu abaalmariyo Farmajo la eryado.