Waa Kuma Madaxweyne Xasan Sheekh Maxaasa Lagu Yaqaan?

Reading Time: 3 minutes

Dadka sida dhow ula shaqeeyey waxay ku sheegeen inuu yahay qof aad u shaqo badan oo waqti dheer geliya hawsha uu rabo inuu qabto. Qof dabeecad wanaagsan oo dadka aad u texgeliya una qiimeeya isaga oo aan martabada iyo mansabka uu qof leeyahay u eegin.

Qosol farxadeed oo ay ka muuqato inuu qalbiga ka soo go’ay, wanaag jeceyl iyo awood hogaamineed oo aan muran la gelin Karin ayey cid waliba ku sifeysaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca Hogaaminta: MW Xasan waxaa uu kulansaday sifooyin dhowr ah oo ay adag tahay n la isku helo balse uu rabbi ugu deeqay.

Sifooyinka muhiimka ah ee uu leeyahay waxaa ka mid ah:

  1. Daacadnimo. Tayadaan waxay hogaamiyaha ka dhigtaa mid qof waliba ay fahmeyso halka uu wax ku wado iyo inaysan istustus ka ahay ee qawlka uu ku leeyahay iyo waxqabadka uu samaeynayaa uu daacad ka ayahay, taas oo adiga kugu bixineysa inaad heshid meel aad ka istaagtid taageeris iyo ka hor imaasho tii dalkaaga ay dan ugu jirto.
  2. Is-xilqaan. Tayadaan waxay tahay mid uu ku muteysanayo qof leh inuu isu xilqaamo hawllo ay hogaamiyayaasha kale ka gaabiyaan. Tusaale dagaalka shabaab, Dhameystirka distuurka iyo hagaajinta habsami u socodka maamulka hay’adaha dowladda oo la hubo inay dad dhowr iskula dhacayaan, kuwaan oo raaxo iyo xoolo ku qaba in xaaladdaan lagu sii jiro.
  3. Kalsoonida .Tayadaan waa mid aan dad badan lahayd waxayna ku xeran tahay tayo kale oo haddii ay kaa maqan tahay aadan tan lahaan Karin waa daacadnimo. Qofka daacadda ah waa isku kalsoon yahay waxaana ka hor muuqda waxa uu rabo iyo jidka loo marayo. Xasan sheekh waa qof aad isgu Kalsoon oo yaqaanna waxa uu rabo.
  4. Dhageysi: Tayadaan ma fududa inay dad badani leeyihiin waana tayo aad u qiima badan. Sideedana dadka Innagoo ku dhegaysanayna dheg naxariista leh, annaga oo nafteena gelinayna booskooda, iyo innagoo ku ilaalinayna dareenkooda maskax furan, waxaynu ku abuuri karnaa macaan iyo wada shaqayn firfircoon oo soo dadajisa gaarista yoolalka lagu soo heshiiyey. MW Xasan tayadaan waa uu leeyahay .
  5. Go’aan Qaadashada: Farshad Asl oo ah aqoonyahan ku xeeldheer hogaaminta ayaa laga hayaa: “Go’aan-qaadashadu waa tayada koowaad ee hoggaamiyaha firfircoon; Awoodiisa inuu ku gudbiyo go’aanka si xamaasad iyo daacadnimo leh waa qaab farshaxan.” MW Xasan aad ugu fiican sida mushkiladaha go’aamada looga qaato sida Deyn Cafinta, dacwadii badda, soo celintii hawada iyo la dagallanka shabaab, waana go’aamo dhaxal gal ah oo dadka Somaliyeed ay aad ugu farxeen. Laakiin MW Isagoo texgelinaya saaxibada hawsha la wada ayuu wuxuu aqqbalaa shakhsiyaad uu ogyahay inaysan hawsha qaban Karin balse uu ka fujin waayo saaxibada doonta la wada, waana arrin u baah inuu dib u eegis ku sameeyo oo uu madaxdweynhu raaco calooshiisa taas oo la hubbo inay tahay tan saxan. Dad dhowr ah oo uu xilal u magacaabay isagoo ku texgelinaya dadka hawsha la wadaa, ama qeyb ka qaateen hawlo hore ayaa waxay astaan u noqdeen fashil iyo inuu lumo waqti wax lagau qaban lahaa, kadibna ay tahay in eber iyo ka sii hoos laga soo bilaabo.

Dhinaca kale MW Xasan waxaa uu mar waliba yaqaan sii na gartaa, isgoo awood u leh  odorosidda mushkiladaha, Xalkooda iyo Cidda ku haboon inay xalliso wuxuu u dhega nuglaadaa saaxibada shaqo oo waxay gacanta kaga dhacdaa qof aan mushkiladdii xallin Karin oo uga dara siina daba dheereeya  xalkii dhowaa inta bandanna ka  liita kii lagu badalay waana arrin u baahan inuu Madaxweynuhu  uu dib u qiimeeyo.

Ma jirto maanta dalkaan cid uga wanaagsan oo xaaladdaa kala guur ka gudbin karta laakiin dhaliilaha qaar waxay keenayaan inaan halkii la rabay la gaarin ama daaho oo la daalo dabadeedna ay lunto taageerada iyo carcarta lagula jaanqaaday.

Talo

Hogaamiyayaasha aadka loo xusuusta inay dalkooda gaarsiiyeen meel sare waxay ka mid ah Hogaamiyihii Singapoor Lee Kuan Yew waxaana uu dalkaas muddo gaaban uga raray xerada la yiraahdo dunida sedexaad waxaanu gaarsiiyey dunida koowaad  sida ku qoran booggiisa –From Third World to First-kuwa loo yaqaan isagoo ka bootiyey dunida dhexe.

Lee maxaa laga baran karaa uu lahaaa iyo  waxa u fududeeyey hawshaas:

  1. Aragti cad. Waxa uu qorsheeyey oo uu si qoto-dheer u aaminsanaa kuna hogaamiyey dalka.
  2. Adkaysigiisa iyo ku dhegenaanta . Tani waxay ka caawisay inuu u adkeysto maalmaha adag iyo saaxibada jidka ka weecin kara oo ugu dambeynta dantooda eegan kara.
  3. Maamulkiisa adag “Gacan bir ah “. Waxaa uu ku kasbatay inuu noqdo hogaamiye laga cabsado balse la ixtiraamo.
  4. Dabeecaddiisa musuqmaasuq diidka. Tani waxay qayb weyn ka qaadatay in Singapore ay noqoto mid ka mid ah dalalka ugu musuqmaasuqa yar adduunka.
  5. Dabeecaddiisa eex la’aanta ah. Waxay gacan ka gaysatay is-dhex-galka is-waafajinta jinsiyadeed ee qowmiyadaha kala duwan, annaga waa qabiillo waxna ku kala duwan waxna ka mideysan.
  6. Go’aan qadasho degdeg ah: Tan waxay u sahashay inuu hawlaha ay si degdeg ah u socdaa.
  7. Xulasho ku dhisan aqoon ee aan daacadnimo ama raacku dhisneyn: Tan waxay u keentay inuu Xafiiska iyo shaqada qof u raadiyo ee uusan qof shaqo iyo xafiis u raadin- (Meritocracy).

Haddaba Hogaamiyaheenna maanta uu rabbi nagu soo celiyey dabeecadahaan muxuu uga baahan yahay muxuusa ka qaadan karaa? Waa su’aal u taalla MW Xasan Sheekh Maxamuud.

MW Xasan Sheekh waa kaas, waana kuwaas waxa lagu yaqaan