Waxaa gabagaba soo gaaray shaqsigii loo magacaabi lahaa in uu noqdo guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaana ugu danbeyntii isugu soo haray seddex qofood oo mid uu yahay nin ajnabi ah. Iyadoo seddexdii qofood oo soo gaaray kama danbeysta waxaa liiska soo galay Xuseen Khaliif iyo Cabdirasaq Xasan Cumar haddana ka mid ah shaqaalaha Bangiga Dhexe qaraabo dhowna aay yihiin MW Farmaajo waxaana gadaal ka riixaya sida MOL loo sheegay adeerkiis oo ka mid ah Senatorada Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdiwaxid Cilmi Cumar (Goonjeex)
Xuseen Khaliif oo u shaqeyn jiray Bangiga Horumarinta Islaamka kana mid ahaa tartamaayasha ugu danbeeyay ayaa waxaa cadaadis uu ku saarayaa MW Dani in maadaama booska Bangiga Dhexe hore looga qaaday Bashiir Ciise oo ka soo jeeda beesha Majeerteen ee Puntland in loo magacaabo shaqsi ka soo jeeda Puntland Bangiga Dhexe balse waxaa ka dhaga adeegay MW Farmaajo & RW Kheyre oo diidan in shaqsi Puntland ka soo jeeda lagu celiyo Guddoomiyaha Bangiga iyadoo sidoo kale laga saaray liiska tartamayaasha Drs Hodan oo ah xaaska MW hore ee Puntland Cabdiwali Gaas.
Sida aay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen MOL, shaqsiga ajnabiga ah ayaa waxaa si weyn u diiday MW Farmaajo wuxuuna ugu danbeyntii sameeyay Nigel Roberts in uu isaga haray tartanka. MW Farmaajo ayaa ugu danbeyntii go’aansaday in uu magacaabo labadan shaqsi midkook kuwaasoo oo magacyadooda lagu sheegay
- Cabdiqafar Sh. Adan Cabdullaahi
Guddoomiyaha la magacaabay ee Bangiga Dhexe. Cabdirasaq Xasan Cumar - Cabdirsaq Xasan Cumar
Sida xogta aay sheegeyso waxaa la go’aamiyay in la magacaabo Cabdirasaq Xasan Cumar waxaana lagu wadaa in la horgeeyo golaha Wasiirada Khamiis Febraayo 21, 2019. Iyadoo uu magacaabistiisa aay qeyb ka noqon doonto isku shaandheynta golaha wasiirada iyo magacaabida taliyaasha ciidanka.
Side aan kol horeba idiinku soo gudbinay natiijada imtixaanada laga qaaday u tartamayaasha ayaa waxaa ugu dhibco badnaa seddex qof uu mid yahay ajnabi. Guddiga qubarada ah oo ka koobnaa shan qof ayaa seddex ka mid ah uu toos u magacaabay RW Kheyre halka laba kalana laga keenay guddiga quburada dhaqaalaha ee uu dhawaantan magacaabay MW Farmaajo.
Magacyada Guddiga soo kala saaray codsadayaasha iyo sida aay u codeeyeen
- Dr. Edward Sambili: Wuxuu u codeeyay Maxamed Cabdi Maxamed.
- Dr. Cali Ciise Cabdi: Wuxuu u codeeyay Maxamed Cabdi Maxamed
- Cabdiraxman Beyle: Wuxuu u codeeyay Nigel Roberts
- Cabdiraxmaan Cabdullaahi: Wuxuu u codeeyay Nigel Roberts
- Eng. Cabdi Canshuur: Wuxuu u codeeyay Nigel Roberts
Waxaa sidoo kale MOL loo xaqiijiyay mid ka mid ah guddiga oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Hakiye haddana ah la taliye dhaqaalaha ee RW Kheyre in lala magacaabi doono Cabdirasaq Xasan Cumar isagoo noqonaaya ku xigeenka Gud. Bangiga Dhexe.
Ku dhawaaqidda oo dhici doonta maalinta Khamiista ah ayaa lagu wadaa in isla maalintaas la horgeeyo golaha Wasiirada Febraayo 21, 2019. Iyadoo uu magacaabistiisa Gud. Bangiga & ku xigeenkiisa aay qeyb ka noqon doonto isku shaandheynta golaha wasiirada iyo magacaabida taliyaasha ciidanka.