Reading Time: 3 minutes

Waxaan goor dhow nasiib u yeeshay in aan daawado bernaamij gaar ah oo laga sameeyay kulan ay madaxda urur goboleedka IGAD ku yeesheen magaalda Muqdishu bishii Sebtember 13, 2016. Waxaan ka mid ahay waxgaradka degan Muqdishu xiligii shirkaasi dhacayayna kuna sugnaa magaalada Muqdishu. Waxyaabaha iigu yaabka badan ee iigu dhaliyey inaan qoraalkan sameeyo aadna ii soo jiitay  markii aan daawaday bernaamijka waxaa ka mid ahaa: sida quruxda badan leh ee shirka loo qabtay loona maareeyay (dib ayaa uga hadli doonaa) iyo sida aanay dad badani oo aan aniga ka mid ahaa ula socon in shir sidaas u culeys weyn dalka lagu qabtay, taas oo aan filayo in aanay hadda suurta gal ahayn marka loo fiiriyo xaaladaha amni iyo siyaasadeen ee uu dalku ki jiro tan loo aaneyn karo hogaanka maanta iyo habkiisa hogaamineed.

Qodobada dareenka wacan leh waxa ka mid ah:

  1. Shirka wuxuu ka dhacay mid ka mid ah hoteelada ku yaala magaalada Muqdishu oo kama dhicin xerada Xalane.
  2. Shirka waxaa gebi ahaan bilow iyo dhamaad maamulayay saraakiil Somalia ah oo ka kale socday wasaaradaha ay khusayso iyo qaybaha amniga.
  3. Shirka waxaa ka soo qayb galay dhamaan Madaxda dalalka xubnaha ka ah ururka IGAD (Kenya, Ethiopia, Djibouti, Sudan, Uganda iyo Koonfurta Sudan).

Soo dhawaynta hore ee Madaxda waxay ka dhacday garoonta diyaaradaha ee caalamiga ah ee Aden Abdule (AAIA). Waxaa garoonka ku sugnaa saraakiil ka socotay wasaaradda arrimaha dibadda iyo wasiiro loogu talo galay in ay soo dhaweeyaan madaxda shirka ka soo qayb galaysay, iyagoo ilaalinaya hab maamuuska looga baahan yahay shir caalami ah. Madaxda oo mid mid u yimid, midkastaana uu watay diyaarad gaar ah ayaa waxaa ugu soo horeeyay Raisalwasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo uu halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirkii Wasaarada Maaliyadda ee JFS Mudane Mohamed Ibrahim Aden, halka uu Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta ku soo dhaweeyay Wasiirkii Gaadiirka mudane Maxamed Jamaca Jangale, Madaxwaynaha Uganda Yuweri Masaveni ayaa isna waxaa soo dhaweeyay Wasiirkii Amniga Mudane Cabdirasak Cumar. Waxaa kale oo garoonka ku sugnaa ciidamada bixiya salaanta calanka iyo kooxaha tuma miyuusika qaramada.

Soo dhawayn kooban iyo qaadashada salaanta calanka,  waxaa madaxda garoonka looga soo qaaday gaadiid loogu talo galay oo mid waliba la suray calanka dalka uu madaxdiisu sido. Safar gaaban ka dib waxa ay madaxdu mid mid u yimaadeen Hoteelkii shirku ka dhacay oo ah Peace 1. Hotelka waxaa ku sugnaa oo madaxda ku soo dhaweeyay Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamud iyo Wasiirkii Arimaha Dibadda Mudane Abdisalam Hadliye Cumar. Madaxwayne Xasan Sheikh ayaa madaxda mid mid usoo dhaweey, sawir kooban ka dib u galbiyay goob loogu talo galay in ay ku saxiixaan buuga martida iyo goob loogu talo galay in ay ku nastaan inta ay ka soo uruurayaan madaxda shirka ka qayb galaysa.

Waxyaabaha isoo jiitay waxaa ugu waynaa sidaa loo abaabulay shirka oo ay ka muuqatay isuduwid aad u heer sarayso. Iyadoo aanay waxa isdaba yaac ah ka muuqan, waxaa aad u koobnaa howlwadeenada ku howlanaa shirka maamulkiisa.

Marka laga reebo wadooyinka qaar oo xirnaa amniga dartiis, saamaynta shirka aad loogama dareemin habasmi u socodka howlaha dowladda iyo nolosha dadwaynaha socoshada shirk baaxadaas leh ee ka socda magaalada. Sidoo kale waxaa yaab lahaa in xukuumadii markaasi jirtay ee uu madaxa ka ahaa Madaxwayne Xasan Sheikh aanay si aad ah u buunbunin shirkaasi. Waxaa xusid mudan in waqtigaas  lagu jiray xilli la isu diyaarinaayay in ay dalku doorasho ka dhacdo. Waxaa  Iyana xusid mudan in ay jiray banaanbax looga soo hoorjeeday wadooyin yar ee xirnaa, kaas oo ay soo abaabuleen koox markaasi isugu yeeri jirtay kooxda isbadal doonka  oo ay hogaaminaayeen musharaxiin uu tartartamayey xilka madaxwaynaha. Kooxda banaanbaxaysay waxay socod dheer si nabad ah ku soo mareen qaybo ka mid magaalada Muqdishu iyada oo aanan wax is hortaag ah lagu samaynin, waayo amaankooda oo suganaa iyo xaaladda nabadeed ee magaalada ka jirtay oo ay isku hallayn kareen mucaaridka rabay in la badalo dowladdaas, socodkaaas oo ay adag tahay in uu maanta dhacdo.

Runtii wuxuu ahaa shirka ka turjumaayay bisaylka iyo soo kabashada dowladnimadeena. Shirkan wuxuu ahaa kii ugu horeeyay ee dalkeena ka dhaca tan iyo intii ay na saameeyeen dagaaladan sokeeyo, iyo kii labaad ee dalkeenka dhacay tan iyo intii aan xurnimada qaadanay. Waxaa xusid mudun in uu dalkeennu marti geliyay shirka Midowga Africa horaantii todobaatameeyada.

Qabashada shirka wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD ee horaantii 2015 iyo kii madaxwaynayaasha ee Sebtember 2016 waxay tusaale u ahayeen sidii ay usoo dhismaysay sumcadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda dalkeena.

Intii baarayey qoraalkan waxaa ii soo baxay in ay dalka booqasho ku yimaadeen madax kale duwan mudadii Xasan Sheikh. Madaxdaas waxaa ka mid ah: Madwaynaha Turkiga Erdogan, Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Ghelle oo aan dilayo inay la doodaba midkiiba uu laba goor yimid, Xooghayahayaasha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka iyo Ingiriiska  John Kerry iyo Phillip Hammond. Waxaa kaloo yimid madax Carbeed oo kala socotay Kuweyt, Imaaraadka  iyo Xooghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Banki Moon oo laba goor yimid

Waxaa nasiib daro ah in maanta xiriirka aan caalamka la leenahay uu kuu soo koobmay Eriteria, Ethiopia iyo Qatar, waana sababta igu bixisay qormadaan inaan qalinka u qaato oo dareenkeyga cabiro, iguna soo riday cinwaanka aan qoraalkan ku furay ee Kaaf iyo Kala-dheeri.

Ibrahim Sheekh Axmed Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Muqdisho Online. Contact us: [email protected]