Waa imisa kharashka malinlaha ah ee ku baxa joogitaanka Xasan Kheyre ee Dhuusameeb?

Reading Time: 2 minutes

Xasan Kheyre oo ah xiligaan ah Kusimaha Madaxweyneha Galmudug  ka dib markii Axmad Ducaale Xaaf uu iskaga tagay jagadii uu hayay culays ay soo saartay dowlada  Fadaraalka awgeed ayaa waxa uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb in ka badan 25 cesho.

Joogitaankiisa ayaa waxaa ku baxa lacago iyo qaraashaad aad u fara badan, marka laga reebo lacagaha laaluushka lagu bixiyo waxaa ku baxa Xasan Kheyre iyo kooxaha la socda qarash maalminle ah oo la xiriira dhanka cuntata ay cunaan, guryaha ay ka jiiftaan magaalada oo keri ah dhamaantood iyo amimaha amniga.

Wafdiga Kheyre ayaa magaalada laga dejiyay afar qaybood oo isku dhaw, qaybahaas ayaa waxa kala degan afar kooxood oo ka tirsan wafdigiisa. Dadka deegaanka Dhuusamareeb oo u arkay fursad ayaa waxa ay lacag kiro ah oo xoog leh ka qaataan wafuudaas. Lacagta kirada iyo joogitaanka magalaada Dhuusamareeb ee Kheyre iyo kooxdiisa ayaa waxa ay kor u dhaaafaysaa $18,000 oo doolaar maalintii.

MOL oo la xiriirtay dadka maamula martida ayaa u xaqiijiyay in Xasan Khyere kaliya ay maalintii ku baxdo in ka badn $9,400 isaga oo keensaday magalaada dadkii cumada u karinaayay, sidoo kale cunooyinka uu cuno qaar ka mida waxaa laga soo qaadaa magaalada Muqadishu. Waxa kale uu keensaday magaalada Dhuusamareeb timajare isaga maalinkastaa timahiisa iyo aragiisa ka shaqeeya.

Maalmaha aan timahiisa laga shaqeeynin waxa uu soo xidhaa koofiyadda loo yaqaano barawaaniga isaga oo ka qarinayao shacabka timahiisa.  Saxiibkii Ducaale oo aan wax  caqli iyo talo aan ku kodhinaynin howlaha ka socda Dhuusamreeb ayaa degan degaan isaga kaliya u gaar ah oo kula nool yahiin saaxibadiisa.

Dhanka kale Xasan Kheyre ayaa keensaday  magalaada Dhuusamareeb ciidan ka soo jeeda beeshiisa oo ku hubaysan hub culus oo waardiyeeya isaga. Ciidankaan ayaa diyaarado looga soo daadgureeyay Muqadishu. Mid ka mida saraakiisha Al Sunna Wajameeca ayaa sheegay in Kheyre uu keensaday ciidan hal jufo oo Murusade ka soo jeedo. Waxa uu yiri “anaga waan isnaqaan, wiilasha uu keensaday waa kuwo ka soo jeeda beesha Habarceyno”.

Waxaa nasiib xumo ah in lagu tagrifalo dhaqaaliha lagu keenay magaca shacabka Soomaaliyeed ama ayaga laga soo ururiyay, iyada oo aan loo turaynin xaalada xanuunka badan  ee ay Soomaaliya xiligaan ku jirto.

Mid ka mida dadka ka ganacsada magaalada Dhuusamareeb ayaa u sheegay MOL in ay aad u sii jeclaan lahaayeen in Kheyre iyo kooxdiisa sii joogaan Dhuusamareeb, sababtoo ah lacag badan ayaa ay magaalada soo galiyeen.

Waxa uu yiri “ maadama ninka kheyre  la yiraahdo aan la aamini karin waan diidnay in aan deyn wax ku bixino… lacag cadaan ah (cash) ayaan wax uga iibsanaa ”.  Waxa uu intaas ku daray “anaga caqli naguma yara, ina Kheyre guul ka qaadimaayo meeshaan sidaas darteed waxaa macquul ah in uu lacagtayada la goosto, Shiikh Shaakir na waxa uu noo sheegay in uusan kifaalo qaadi karin lacagteyna”.

Kheyre ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka soo baxo Dhuusamareeb isaga oo wixii fashil ah ku wareejinayo Gudiga uu shalay magacaabay.