Wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa uga digtay dusgiyadda gaarka loo leeyahay in aanay 45 arday ka badan kari tiradda ardayda fasal kasta fadhida. Waxaanay Wasaaradu kormeer ku samayn doontaa dugsiyadda, isla markaana dugsigii lagu arko iyadoo ay fadhiyaan tiro 45 ka badan in ruqsadda lagala noqon doono. Iyadoo la fulinayo go’aankii guddiga xakamaynta heer qaran ee xanuunka Coronavirus. Sidaasina waxaa sheegay wasiirka waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi oo maanta wada jir warbaahinta ula hadlay.
Waxaana wasiirka iyo agaasimaha shirkaas jaraa’id ku wehelinayay guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax iyo xubno kaloo wasaaradda ka tirsan.Balse dadka dhaliila nidaamka waxbarashada Somaliland ayaa sheegaya in 45 arday fasal la fadhisiyaa ay tahay tiro aad ubadan, xili waliba lagu jiro xaalada Covid-19 ku uu faro baas ku hayo caalamkoo dhan.