Wakaalada Wararka ee Africa Confidentail ayaa shaacisay in Madaxweyne Farmaajo uu ciidan ka soo jeeda beesha uu ka dhashay u diray dalalka Masar iyo Eritereeya si ay tababar gaar ah oo farsamaysan loo soo-siiyo.
Inkastaa uu shacabka Soomaaliyeed qabay tuhun in ciidan soomaaliyeed loo diray Eritereeya iyo Masar hadana markii ugu horeeysay oo wakaalad warar oo caalimi ah faafiso xogtaas. Fahad Yasin ayaa ciidan laga soo xulay beelo gaar ah horay ugu diray dalka Suudaan kuwaas oo aan la ogaynin cida ay ka amarqaataan iyo goobaha lagu tababarod.
Africa Confidential ayaa sheegtay in ciidan beeleedka uu soo tababaranayo Farmaajo ay ujeedadu tahay in lagu qabaso beelo gaar ah taas oo keeni doonta in dalku uu dib ugu noqdo dagaal sokeeyo.
Halkaan ka aqriso qoraalka Africa confidentail