W. Ruto: “Ma ka baxeyno Soomaaliya ilaa aan ka ciribtirno kooxda Al Shabaab”

Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Kenya  Mudane William Ruto  ayaa mar kale ku celiyay moowqifka  dowlad Keyna ay ka leedahay waxa uu yiri “ma ka baxeyno Soomaaliya ilaa aan Al Shabaab ka burburino”. Ruto ayaa hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu dhawaan ka jeediyey Aqalka Chatham House ee ku yaalo  magaalladda London ee dalka UK, wuxuuna xusay inaysan Dowladiisa weli ka fekerin Go’aan ku adaan inay Ciiddankooda kala soo baxaan Somalia cabsida uga imaanayso Dagaalamayaasha Alshabaab darteed.

Hoggaamiyayaal iyo Siyaasiyiin Kenyan ah ayaa waxay horey ugu  baaqeen La-soo-bixida Ciiddankaasi, kadib, weerarkii ay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab bartamihii bishii hore ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi. William Ruto  oo ah Ku-xigeenka 2-aad ee Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Kenya waxa uu sheegay in Ciiddankooda jooga Somalia ay guul ka gaareen Dagaalka Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dowlada Kenya ayaa xiriir hoose la leh Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, xiririkaas ayaa ah mid ku qotoma amaanka  iyo mid dhaqaalaba. Horay ayaa Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta u sheegay in ciidanka  Kenya ee Jooga Soomaaliya ayan marnaba ka baxaynin dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here